Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalal iyo ururro caalami ah oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
1000111816.jpg

Dalal iyo ururro caalami ah ayaa si isku mid ah u muujiyay diidmo adag oo ka dhan ah aqoonsiga Israa’iil ee maamulka Somaliland, iyaga oo muujiyay taageero ay u hayaan madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa garab-taag u muujisay Soomaaliya, iyadoo aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ku tilmaantay tallaabo sharci-darro ah oo ka hor imanaysa xeerarka caalamiga ah.

Jamhuuriyadda Ciraaq, oo hadda ah guddoomiyaha Jaamacadda Carabta, ayaa sheegtay in tallaabadan Israa’iil ay xadgudub ku tahay madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana ay khatar ku tahay amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Jamhuuriyadda Yemen ayaa iyaguna si cad u diiday tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan xiriir ama aqoonsi u dhexeeya Israa’iil iyo maamulka Somaliland.

Sidoo kale dowladda Kuwait ayaa caddeysay in ay taageero buuxda u hayso madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo si adag u diiday tallaabo kasta oo hal-dhinac ah oo lagu doonayo in lagu aqoonsado gobol ka mid ah dhulka Soomaaliya. Kuwait waxay arrintaas ku tilmaantay mid ka hor imanaysa sharciga caalamiga ah, waxayna xustay in garab-taagan tahay dowladda iyo hay’adaha sharciga ah ee Soomaaliya.

Boqortooyada Urdun ayaa iyaduna xaqiijisay in ay taageeran tahay midnimada iyo amniga Soomaaliya, iyadoo aqoonsiga Israa’iil ku tilmaantay mid ka soo horjeeda Axdiga Qaramada Midoobay.

Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa iyaguna si wadajir ah u cambaareeyay tallaabada Israa’iil, iyagoo ku tilmaamay faragelin aan la aqbali karin oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, waxayna ku baaqeen in la ixtiraamo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, lana ilaaliyo amniga iyo xasilloonida gobolka.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this