Deeq A. Posted December 27, 2025 Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa joojiyay shirka Madasha Aragti Wadaag ee Machadka Heritage oo berri ka furmi lahaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dalbaday in shirkaas dib loo dhigo sababo la xiriira xaaladda soo korortay ee ka dhalatay aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland. Shirka waxaa ka qaybgeli lahaa madax ka kala duwan oo ay mid yihiin Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi, madaxdii hore ee dalka oo hadda ka mid ah mucaaradka dowladda, qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Shirka Heritage ee Dhuusamareeb ayaa looga hadli lahaa hannaanka Soomaaliya ku gaari karto aragti siyaasadeed oo mideysan. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites