Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta booqashadii Cirro ee Israa’iil iyo waxa Somaliland ay ku beddelatay aqoonsiga

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabdiraxmaan-Cirro-iyo-Benjamin-Netanyah

Tel Aviv (Caasimada Online) — Israa’iil ayaa shalay noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay oo si rasmi ah u aqoonsada gobolka Somaliland, waxaana hadda soo baxay xog dheeri ah oo ku saabsan go’aankan. 

Tallaabadan ayaa warbaahinta Israa’iil ay sheegtay inay salka ku hayso qorshe ay Israa’iil ku raadineysay dalal ay dejiso Falastiiniyiinta ay dooneyso inay ka rarto Gaza, iyo dano istiraatiijiyadeed oo la xiriira duqeynta Yemen. 

Heshiiska aqoonsiga waxaa 26-kii December wada saxiixay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa’ar, iyo Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), sida lagu xaqiijiyay bayaanno rasmi ah.

Telefishinka Channel 12 ee Israa’iil ayaa shaaciyay in Madaxweyne Cirro uu bishii Oktoobar safar qarsoodi ah ku tegay Israa’iil, halkaas oo uu kula kulmay Netanyahu, Madaxa Sirdoonka Mossad David Barnea, iyo Wasiirka Gaashaandhigga Israel Katz, xilligaas oo xiriirka labada dhinac uu sii xoogeysanayay. 

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in xiriirku uu dardar ku socday xilli Israa’iil ay baadi-goobaysay dalal ay u rarato dadka reer Gaza intii uu socday dagaalku, inkastoo dadaalkaas uu markii dambe fashilmay kaddib cadaadis caalami ah oo ka dhashay fikradda ah in dadkaas la barakiciyo.

Dhinaca kale, wargeyska Times of Israel ayaa weriyay in ujeedka ugu weyn ee Israa’iil ay tahay in ay hesho marin ay u adeegsato la socodka iyo duqeynta kooxda Xuutiyiinta Yemen ee xulafada la ah Iiraan.

Wargeyska ayaa ku dooday in marin loo helo hawada iyo dhulka Somaliland ay Israa’iil siinayso fursad istiraatiiji ah maadaama ay ku taallo meel u dhow Gacanka Cadan.

Netanyahu ayaa dhankiisa sheegay in Israa’iil ay Somaliland kala shaqeyn doonto arrimaha dhaqaalaha, beeraha iyo horumarinta bulshada, isagoo casuumaad u fidiyay Madaxweyne Cirro. Wasiir Sa’ar ayaa xaqiijiyay in labada dhinac ay furan doonaan safaarado, ayna is dhaafsan doonaan danjireyaal.

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ayaa sheegtay inay hiigsaneyso inay ku biirto “Heshiisyada Ibraahim” (Abraham Accords), oo ah hannaankii uu Mareykanku garwadeenka ka ahaa ee dalal Carbeed ay ku caadiyeeyeen xiriirka Israa’iil.

Aqoonsigan ayaa dhaliyay cambaareyn degdeg ah oo ka timid dalalka gobolka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamtay tallaabadaas mid lagu xadgudbay madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.

Dowladda Masar ayaa sheegtay in Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Masar, Turkiga iyo Jabuuti ay si wadajir ah u diideen tallaabada Israa’iil. Sidoo kale, wargeyska The Guardian ayaa sheegay in go’aanka Israa’iil loo arko mid halis ku ah amniga gobolka, marka la eego muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Somaliland.

The post Xogta booqashadii Cirro ee Israa’iil iyo waxa Somaliland ay ku beddelatay aqoonsiga appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this