Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo ka hor yimid aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
1000111729.jpgTrump oo sheegay inuu mudnaanta siinayo Gaza. “Ma jiraa qof yaqaanna meesha ay ku taallo Somaliland? Ma aqoonsanayo Somaliland” ayuu yiri.

Garoowe (Faallo PP) — Maalin kaddib markii Israa’iil u aqoonsatay Maamulka Somaliland dal xaq u leh aaya-ka-talin. waxaa soo baxaya in aqoonsigu kala kulmay diidmo Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta. Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa dhowaan soo saari doona mowqif ay ku taageerayaan midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya.

Madaxweyne Donald Trump ayaa si cad uga hor yimid aqoonsiga uu Benjamin Netanyahu ku tilmaamay inuu qeyb ka yahay heshiis lagu tilmaamo Abraham Accords. “Gaza ayaan mudnaanta siinayaa; ma aqoonsanayo Somaliland” ayuu u sheegay wargeyska New York Post.

1000111691-1005x1440.jpg 1000111727.jpg

Aqoonsi la helo macnaheedu ma aha kursi lagu yeesho Qaramada Midoobay. Falastiin waxaa aqoonsaday in ka badan 130 dal; Kosoofo 110 dal baa aqoonsaday. Dalka Shiinaha ayaa ka hor yimid aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland oo xiriir dhow la leh Taiwan.

1000111730-960x1440.jpgDhulalka aqoonsiga helay laakiin aan kursi ku lahayn Qaramada Midoobay. 1000111728.jpg

Madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland Muuse Biixi weli si rasmi ah uguma hambalyaynin madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo filaya inuu dhowaan booqasho ku tago Qudus oo ku jirta gacanta Israa’iil.

1000111738.jpg

Marka aqoonsi la siiyay dhul uu helo taageerada shanta dal oo leh diidmada qayaxan (Veto power) uun buu dhulkaas noqdaa dal xubin ka Qaramada Midoobay.    

© Puntland Post, 2025

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this