Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqoonsiga Israel: Fursad mise khatar hor leh oo Somaliland wajahayso?

Recommended Posts

Deeq A.   
604887390_1428867641932802_5251334327554

“Adeer Yahuud baa na aqoonsatay!” sidaas ayay dad badan oo Somaliland ah ku hadlayeen markii ay maqleen in Israa’iil ay noqotay waddankii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland December 26, 2025.

Waa guul taariikhi u ah oo muddo 34 sano ah sugaayeen laakiin ma guul saafi ah baa? Mise waa damac qarsoon oo Israa’iil ku leedahay Somaliland?

Somaliland ayaa tan iyo 1991 kii ku dhibtoonaysay aqoonsi caalami ah. Waxay leedahay nidaam dimoqraadi ah, nabad iyo xasillooni, doorashooyin xalaal ah, laakiin beesha caalamka ayaa ku adkaysatay midnimada Soomaaliya.

Hadda, Israa’iil ayaa jabiyay xuduudaas, iyadoo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Gideon Sa’ar ay saxeexeen heshiis aqoonsi oo buuxa, oo ay ku jiraan safaarado iyo ergooyin. Netanyahu wuxuu ku tilmaamay “mid la mid ah Abraham Accords”

Madaxweynaha Somaliland Abdirahman Mohamed Abdullahi (Cirro) ayaa u mahadceliyay Netanyahu “go’aanka taariikhiga ah”. Laakiin damaca Israa’iil ma aha mid bilaash ah.

Sannadihii u dambeeyay, waxaa soo baxayay warar sheegaya in Israa’iil ay doonayso laba arrimood oo waaweyn Somaliland: midda koowaad, inay ku wareejiso qaxootiga Falastiiniyiinta ee Gaza, si ay u yareyso cadaadiska gudaha ah ee khilaafka Falastiin.

Wararkaas ayaa soo baxay bishii March 2025, markii Mareykanka iyo Israa’iil ay la xiriireen Somaliland, Soomaaliya iyo Suudaan si ay uga hadlaan qaxootiga Gaza. Inkastoo Somaliland ay beenisay, haddana warbaahinta caalamka sida Al Jazeera iyo AP ayaa sheegtay in heshiisyadaas ay ku xiran yihiin aqoonsiga.

Tani waxay noqon kartaa mid khatar ah, maadaama ay keeni karto xiisado bulsheed iyo mid siyaasadeed gudaha Somaliland, iyadoo dadka degaanku aanu aqbali karin qaxooti cusub oo leh dhibaatooyin siyaasadeed.

Midda labaad, Israa’iil waxay doonaysaa inay furto saldhig ciidan, gaar ahaan Berbera, si ay u xoojiso joogitaankeeda Badda Cas iyo la dagaalanka Xuutiyiinta Yemen.

Meesha Somaliland ayaa istiraatiiji ah, waxay u dhowdahay Yemen oo ka yar 400 km, waxayna ilaalisaa marinka Bab al-Mandab. Wararka qaarkood ayaa sheegaya in Imaaraadka Carabta uu dhexdhexaadinayo, isagoo maalgelinaya saldhiggaas.

Tani waxay Israa’iil u sahli kartaa weerarro degdeg ah oo ka dhan ah dalalka Islaamka, laakiin Somaliland waxay noqon kartaa bartilmaameed cusub oo argagixiso.

Siyaasad ahaan, aqoonsiga Israa’iil wuxuu keeni karaa caqabado waaweyn. Bulshada Muslimka ee adduunka, gaar ahaan dalalka Carabta iyo OIC, ayaa Israa’iil u arka cadow sababtoo ah Falastiin.

Tani waxay reebi kartaa Somaliland taageerooyinkii ay ka heli lahayd dalalka Muslimka ah. Soomaaliya ayaa sii xoogeyn doonta cadaadiskeeda, iyadoo ku doodaysa in tani tahay shirqool kala qaybin ah.

Amni ahaan, khatartu way ka sii weyn tahay: Al-Shabaab iyo kooxaha kale ayaa laga yaabaa inay Somaliland u arkaan “xulafo Israa’iil”, oo ay weeraraan, taas oo khalkhal galin karta nabaddii 30-ka sano ahayd.

Dadka Somaliland waa inay ka digtoonaadaan damaca Israa’iil. Aqoonsiga waa muhiim, laakiin ma aha inuu yimaado qiimo sare oo amni iyo siyaasad ah.

Waa inau raadiyaan aqoonsi ballaaran oo ka yimid beesha caalamka oo dhan, ee aan ku xirneyn dano gaar ah oo Israa’iil. Haddii kale, guushan taariikhiga ah waxay isu beddeli kartaa masiibo cusub.

W/Q: Mohamed Dahir Hassan

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. 

The post Aqoonsiga Israel: Fursad mise khatar hor leh oo Somaliland wajahayso? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this