Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo markale qaadacay doorashada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
1000110202.png

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee mucaaradka ayaa markale ku celiyay in ay qaadacsan yihiin doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir oo la qorsheynayo in ay dhacdo berri oo khamiis ah.

Xubno ay ka mid yihiin madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Waasaarayaal hore Xasan Cali Khayre & Maxamed Xuseen Rooble, iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa doorashada Muqdisho ku tilmaamay mid hal dhimac ah oo lagu sheegi karin doorasho.

Waxay sheegeen in aysan aqoonsan doonin natiijada ka soo baxda doorashadaas, iyaga oo ku tilmaamay mid madaxweyne Xasan keligiis maamulanayo oo aysan jirin cid la tartamaysa.

Eedeymaha ay mucaaradka soo jeediyeen waxaa ka mid ah in shirkada qalabka doorashada maamulaysa ay tahay mid ay leeyihiin xubno ka tirsan xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP, iyo sidoo kale in aan la garanayn cidda la dooranayo.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya waxay sheegeen in waxa ka socda Muqdisho aysan ahayn doorasho sharci ah, balse ay tahay mid laga leeyahay ujeeddo gaar ah oo la xiriirta waqti kororsi.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this