Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo saxiixday heshiis is-afgarad oo ku saabsan garoonka Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
1000110417-1440x1112.jpg

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay magaalada Garowe kaga qeyb-galay munaasabad lagu saxiixay heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ee Cabdullaahi Yuusuf.

Heshiiska is-afgarad ayaa dhexmaray Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland iyo shirkad maxali ah oo lagu magacaabo Gaalkayo Development Group (GDG), waxaana uu ku saleysan yahay dhismaha iyo maamulka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, si loo gaarsiiyo heerar caalami ah oo waafaqsan shuruucda iyo xeerarka duulista.

Mashruuca dhismaha garoonka Gaalkacyo oo la sheegay in lagu maalgelin doono lacag dhan 17 milyan oo doolar ayaa la dhisi doonaa dhabaha diyaaradaha (Runway) oo 3.5 km ah, Terminal-ka rakaabka, goobta kala wareegga diyaaradaha (Taxiway), qaybta dhigista diyaaradaha (Apron) iyo Air Navigation Tower.

1000110424-1440x810.jpg

Sidoo kale, heshiiskan ayaa lagu tilmaamay mid horseedi doona ballaarinta fursadaha maalgashi, kobcinta dhaqaalaha deegaanka, iyo abuurista shaqooyin cusub, kaas oo si toos ah uga faa’iideysan doonaan bulshada ku nool magaalada Galkaacyo iyo guud ahaan gobolka.

Mas’uuliyiinta ka qeyb-galay munaasabadda ayaa carrabka ku adkeeyay in iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay uu yahay tiir muhiim u ah horumarinta kaabayaasha dalka, iyagoo xusay in dowladda Puntland ay ka go’an tahay hirgelinta heshiiskan si hufan, daahfuran oo waxtar leh.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this