Sign in to follow this  
Deeq A.

Laftagareen, Qoorqoor iyo Guudlaawe oo ka hadlay doorashada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
1000110998-1440x810.jpg

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa hambalyo u diray shacabka gobolka Banaadir oo maanta si nabad ah u dhiibtay codkooda doorashada qof iyo cod.

Madaxweynayaasha saddex maamulka oo mid walba soo saaray qoraal ayaa ku bogaadiyay shacabka Banaadir biseylkooda siyaasadeed, wacyigooda iyo sida ay uga go’an tahay ka qeybgalka hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, iyagoo xusay in doorashadani ay tahay tallaabo taariikhi ah oo horseed u ah dowladnimo ku dhisan rabitaanka shacabka.

Saddexda madaxweyne ayaa sidoo kale ammaanay hay’adaha ammaanka, guddiyada doorashooyinka iyo dhammaan mas’uuliyiintii ka shaqeysay hirgelinta doorashada Muqdisho, kuwaas oo suurtageliyey in codbixintu ku qabsoonto jawi nabad iyo kala dambeyn leh.

Madaxweynayaasha Laftagareen, Qoorqoor iyo Guudlaawe ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay sii wadaan ka qeybgalka geeddi-socodka dimuqraadiyadda, si loo helo hoggaan lagu doortay rabitaanka shacabka, loona xoojiyo midnimada iyo horumarka dalka.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this