Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo duqeeyay kooxda Daacish ee ku sugan Nigeria

Recommended Posts

Deeq A.   
1000111223.webp

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in weerar xagga cirka ah lagu qaaday kooxda Daacish ee ku sugan waqooyi-galbeed ee dalka Nigeria.

Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), oo mas’uul ka ah howlgallada Afrika ayaa sheegay in weerarka cirka lagu dilay tiro badan oo Daacish ah, kadsib markii ay tilmaameen in uu codsi uga yimid madaxda dalka Nigeria.

“Aad ayaan ugu mahadcelinayaa taageerada iyo iskaashiga dowladda Nigeria” ayuu yiri Xoghayaha Difaaca Maraykanka Pete Hegseth.

Duqeynta Maraykanka oo ka dhacday magaalada Sobota ee gobolka Sokota ayaa dabasocota amar ka yimid madaxweyne Trump, kaas oo tilmaamaya in la bilaabo duqeyn ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan dalka Nigeria oo cadaadis ba’an ku  haya dadka Masiixiyiin ah ee ku dhaqan dalkaas.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this