Deeq A. Posted December 26, 2025 Wararka ka imanaya buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa sheegaya in saddex askari geeriyootay, shan kalena dhaawacmatay, kaddib markii qarax lala beegsaday gaari ay wateen ciidamo ka tirsan Puntland. Qaraxa oo sida lagu soo warramayo ka dhashay miino nooca dhulka lagu aaso ah, ayaa maanta ka dhacay wadada cusub ee xiriirisa magaalada Boosaaso iyo tuulada Dhaadaar ee degmada Qandala, waxayna la sheegay in ciidamada qaraxa lala beegsaday ay halkaas ka wadeen miino baaris. Ma ahan markii ugu horreysay oo waddooyinka qarax loogu aaso ciidanka Puntland ee ka dagaalamaya buuraleyda Calmiskaad, marar badan ayaa qaraxyo khasaare kala duwan geystay ka dhaceen waddooyinka ay isticmaalayaan. Ciidamada Puntland ayaa muddo sanad ah dagaal kula jira koox argagixisada ah ee Daacish, oo weli ku dhuumaalaysa meelo ka mid ah buuraleyda Calmiskaad. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites