Deeq A. Posted December 26, 2025 Dowladda Israa’iil ayaa dowlad madax bannaan u aqoonsatay Somaliland, sida uu maanta ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu. Aqoonsiga wuxuu yimid, kaddib markii ay khadka fogaan-aragga ku wada hadleen madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu. Kulanka ayaa lagu gaaray is-afgarad siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo istiraatiiji, iyada oo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu madaxweynaha Somaliland u fidiyey booqasho uu ku yimaado Tel Aviv. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites