Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo saddex dal oo kale oo ka wada hadlay go’aanka Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
1000111344.jpg

Dalalka Turkiga, Masar iyo Jabuuti ayaa noqday dalalkii u horreeyay ee ka soo horjeestay go’aanka ay dowladda Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland.

Wasiirrada arrimaha dibada Turkiga, Masar iyo Jabuuti oo wada hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay dhiggooda Soomaaliya ayaa sheegay in ay taageersanyihiin madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Soomaaliya, Turkiga, Masar iyo Jabuuti waxay tilmaameen in aqoonsiga madax bannaanida qaybo ka mid ah dhulka dalalka uu yahay tusaale khatar ah oo halis ku ah nabadda iyo amniga caalamiga ah, isla markaana ka hor imanaya mabaadi’da caalamiga ah ee Sharciga iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this