Sign in to follow this  
Deeq A.

War Saxaafadeed ay soo saartay shirkada Petrosoma Limited Oo khuseeya Odweyne Block

Recommended Posts

Deeq A.   

War Saxaafadeed

Petrosoma Limited, oo ah shirkad ka ka diwaan gashan dalka British Virgin Island oo ay leeyihiin Ganacsadaha Somaliland u dhashay ee Mohammed Yusuf Ali oo ay ku weheliyaan maalgashadeyaal Ingriis iyo Irland u kala dhashay, waxay ku faraxsan tahay inay idinla wadaagaan war saxafadeedkan ku saabsan in ay shirkadaha Genel Energy PLC iyo Afentra PLC ay dib ugu soo wareejiyeen xuquuqdii saami ee ay ku lahaayeen Odweyne Block shirkadda Petrosoma.

Shirkadda Petrosoma imika waxay haysataa 100% saamiga Odweyne Block halka ay sannadkii 2012kii ay 50% ku wareejisay xuquuqda baadhitaanka Shirkadda Genel Energy PLC kadibna 34% ay ku wareejisay Shirkadda Afrenta PLC.

Shirkadaha Genel, Afentra iyo Petrosoma isku aragti way ka noqon waayeen qiimaha khayraadka Odweyne Block.

5tii sano ee lasoo dhaafay shirkadda Petrosoma waxay si madaxbanaan u aruurinaysay baadhitaan farsamo oo ku saabsanaa xogta joolaji ee Block Odwayne taas oo si adag u tusmaysay in rajada qiimaha iyo tayada ganacsi ee saliida ceegaagta Odwayne Block ay tahay mid aad u saraysa.

Petrosoma waxay heshiis kula gashay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland inay sii wadayso barnaamijkii sahaminta ugu dambaysa ee ay ka gaabisay shirkadda Genel Energy PLC.

Waxaa ka mid ah barnaamijka sahimineed, wajigiisa afaraad in ay Petrosoma 18ka bilood ee soo socota samayso sahamintii ugu danbeeyay iyo bilowga wajiyada ugu dambeeya. Hawshaas oo dhan waxaa fulinaysa Petrosoma oo ah imika kali ku ah hirgalintooda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this