Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabadhii caan ka ahayd TikTok ga Soomaalida ee ‘u dhimatay daroogo ay isku durtay’

Recommended Posts

Deeq A.   

Gabadhii caan ka ahayd TikTok ga Soomaalida ee ‘u dhimatay daroogo ay isku durtay’
FB_IMG_1766668804646-1-300x168.jpg

cb2643e2-3a5e-4614-98a3-c05ea95ba64e.png

Maydka gabadh 22 jir ah oo laga helay mid ka mid ah waddooyinka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho sanadkii hore ayaa daaha ka qaaday dhibaatada gabdhaha daroogada isticmaala. Shaqaalaha caafimaadku waxay sheegeen inay u geeriyootay isticmaalka daroogada opioid oo xad dhaaf ah.

Gabadhan oo baraha bulshada caan ka ahayd ayey saaxibbadeed sheegeen inay in muddo ahba daroogo isku duri jirtay. Waxay sheegeen in marka ay muuqaallada TikTok duubayso ay badanaaba adeegsan jirtay daroogooyin.

Booliska ayaa diiwaan galiyey kor u kac ku yimid adeegsiga daroogada ee magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo Soomaaliya ka tirsan, iyada oo dumarku ay ka mid yihiin dadka maandiiriyaha isticmaala. Waxaa la sheegay in dadka ay helaan noocyo cusub oo daroogo ah.

Iyada oo dadka ay cuni jireen khaadka oo isagu aan sharci darro ka ahayn Soomaaliya – cabitaanka khamriga, dhuuqista koollada ama cabitaanka xashiishka, ayaa hadda waxay dad badan barteen isticmaalka daroogada la isku mudo taas oo si toos ah luugu durayo xididdada dhiigga qaada. Waxaa ka mid ah daroogooyinkan kuwa loo yaqaan morphine, tramadol, pethidine iyo codeine.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this