Sign in to follow this  
Deeq A.

AUSSOM oo bogaadisay Doorashada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si diiran u bogaadiyay nabadgalyada iyo hufnaanta ay maanta ku dhacday doorashada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir.

AUSSOM ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid taariikhi u ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya, dhisidda dowladnimada casriga ah, iyo horumarka laga sameeyay dhanka amniga.

​Iyadoo ay hadal-hayntan caalamiga ahi socoto, waxaa hadda si rasmi ah u bilaabatay tirinta codadka ka dib markii ay soo xirmeen goobihii codbixinta.

Shacabka ayaa isha ku haya natiijada ka soo bixi doonta sanduuqyada, taas oo go’aamin doonta hoggaanka cusub ee degmooyinka gobolka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this