Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Israa’iil oo sheegay inuu si degdeg ah u billaabi doono dhaqan-gelinta heshiiska Soomaaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Israa’iil ayaa sheegtay inay si degdeg ah u bilaabi doonto hirgelinta qodobada ku jira heshiis ay la gashay Soomaaliland, kaddib bayaan ay soo saartay oo ay ku shaacisay waxa ay ugu yeertay aqoonsi rasmi ah oo ay siisay Somaliland.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay inuu maanta ku dhawaaqay aqoonsiga Soomaaliland inay tahay dal madax-bannaan oo leh dowlad buuxda, isaga oo xusay in tallaabadan ay timid kaddib wada-hadallo iyo is-afgarad dhex maray labada dhinac.

Bayaan lagu faafiyay warbaahinta ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sa’ar, iyo Madaxweynaha Somaliland ay wada saxiixeen war-murtiyeed wadajir ah, kaas oo lagu tilmaamay mid ku saleysan ruuxa Heshiisyada Abraham (Abraham Accords), oo lagu saxiixay hindisaha Madaxweynaha hore ee Mareykanka Donald Trump.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, isaga oo ku ammaanay hoggaamintiisa, doorka uu ka qaatay xasilloonida iyo nabadda gobolka, isla markaana ku martiqaaday booqasho rasmi ah oo uu ku yimaado Israa’iil.

Aqoonsiga Soomaaliland waxaa ka shaqeeyay madaxda sirdoonka Israa’iil ee mossad iyo dhinacyo kale, sida uu sheegay Ra’iisul wasaare Netanyahu, balse lama oga tallaabada xigta heshiiskan sida weyn u saameynaya Geeska Afrika iyo dalalka Carabtaba.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this