Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan garoonka…

Recommended Posts

Deeq A.   
605761148_1417640256384979_8672672748020

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah qalinka ugu duugay heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan dhismaha garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, Cabdullaahi Yuusuf International Airport.

Saxiixa heshiiskan waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland, Ilyaas Cusmaan Lugatoor.

Heshiiskan ayaa isugu jira dhismaha, ballaarinta iyo casriyeynta qaybaha kala duwan ee garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, iyada oo ay iska kaashanayaan maamulka Puntland iyo Shirkadda Kooxda Horumarinta Gaalkacyo (GDG), oo ah shirkad maxalli ah.

Waxaa si isku-tashi bulsho ah uga qayb qaadan doona mashruucan bulshada gobolka Mudug, iyada oo garoonka loo diyaarinayo qaab casri ah si uu ula jaanqaado hannaanka garoomada diyaaradaha ee caalamiga ah.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa xusay mudnaanta iyo muhiimadda garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, isaga oo ku dheeraaday sida ay maamulka Puntland iyo dadkeedu, oo isku tashanaya, uga go’an tahay dhismaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo fududeynta isu-socodka dal iyo dibed ee dadweynaha Puntland.

Mashruuca dhismaha garoonka Gaalkacyo, oo la sheegay in lagu maalgelin doono lacag dhan 17 milyan oo doolar, ayaa ka koobnaan doona dhismaha dhabaha diyaaradaha oo dhererkiisu yahay 3.5 km, hoolka rakaabka, goobta kala wareegga diyaaradaha, qaybta lagu dhigto diyaaradaha, iyo munaaradda hagidda duulimaadyada.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Puntland ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay hirgelinta heshiiskan si hufan, daah-furan oo waxtar leh.

603843243_1417639026385102_8779294022514

605761148_1417640256384979_8672672748020

602345007_1417640276384977_1583127313539

603886395_1417640619718276_1566299791066

603768759_1417640519718286_5409960340755

The post Puntland oo saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan garoonka… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this