Sign in to follow this  
Deeq A.

DRC iyo Rwanda oo heshiis nabadeed ku gaaray Washington

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa magaalada Washington ku martigeliyay labada hoggaamiye ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC) Félix Tshisekedi iyo Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, halkaas oo lagu kala saxiixday heshiis nabadeed oo lagu joojinayo colaadda muddo tobanaan sano ka jirtay bariga Congo, isla markaana lagu furayo khayraadka macdanta muhiimka u ah shirkadaha Mareykanka.

Heshiiskan oo lagu saxiixay xarunta U.S. Institute of Peace oo maalmo ka hor loo bixiyay magaca cusub ee “Donald J. Trump Institute of Peace”ayaa noqonaya mid taariikhi ah maadaama uu ka dhashay dadaallo diblomaasiyadeed oo socday bilo badan, gaar ahaan kadib markii sanadkan hore ay Washington ku kala saxiixdeen heshiis hordhac ah wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal.

Colaadda bariga DRC oo muddo dheer socotay ayaa waxaa sii huriyay kooxda fallaagada ah ee M23, kuwaas oo dib u soo kacay dabayaaqadii 2021.

Dowladda Congo waxay Rwanda ku eedeysaa taageeridda M23, balse Kigali ayaa si adag u beenisa arrintaas. Inkasta oo xabbad-joojin hore loo gaaray, labada dhinac ayaa weli isku eedeynaya jebinta heshiiska, iyada oo weerarro cusub la sheegay in ay dhaceen maalmo ka hor.

Markii la saxiixay heshiiska, Madaxweynaha Trump wuxuu ku dhawaaqay in Mareykanku la yeelanayo labada dal heshiisyo laba-geesood ah oo shirkadaha Maraykanka siinaya marin toos ah oo ay u helaan macdanta muhiimka u ah warshadaha tiknoolajiyadda sida cobalt, coltan iyo lithium kuwaas oo muhiim u ah soo saarista batariyada, qalabka elektaroonigga iyo gaadiidka korontada ku shaqeeya.

Ka hor saxiixa, Trump ayaa si gooni-gooni ah ula kulmay labada madaxweyne subaxnimadii Khamiista ee Aqalka Cad, halkaas oo looga wada hadlay arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo xiriirka saddex-geesoodka ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this