Sign in to follow this  
Deeq A.

AfDB oo Soomaaliya u Ansixisay Deyn-Dhimis Cusub oo Gaareysa Ku Dhawaad $18 Milyan

Recommended Posts

Deeq A.   

Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) ayaa ku dhawaaqay in uu ansixiyey deyn-dhimis dheeri ah oo loo sameynayo Soomaaliya, taas oo gogol-xaar u ah in gebi ahaanba laga cafiyo dhammaan deynta Afrika Development Fund ee dalka ku lahaayeen intii u dhaxeysay 2024–2039.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Soomaaliya ay sameysay hormar muuqda oo ku saabsan:

Dib-u-habaynta dhaqaalaha

Maareynta maaliyadda guud

Kobcinta dakhliga gudaha

Hagaajinta kalsoonida iyo hufnaanta maamulka

la taliyaha Sare AfDB Bubacarr Sankareh ayaa sheegay in deyn-dhimistu ay albaab u furayso mustaqbal ifaya:

“Waxay dhiseysaa hay’ado xoog leh, adeegyo wanaagsan, iyo rajo cusub oo ka muuqan doonta fasallada, isbitaallada, beeraha, iyo suuqyada dalka.”

Bangigu wuxuu cadeeyay in Soomaaliya ay sidoo kale ka soo baxday ballamihii la xiriiray yaraynta saboolnimada, gaar ahaan adeeg bixinta aasaasiga ah iyo ballaarinta barnaamijyada difaaca dadka nugul.

Deyn-dhimistan cusub oo qayb ka ah guusha Soomaaliya ka gaartay HIPPIC Initiative — waxay hoos u dhigi doontaa deynta dalka ku lahayd AfDB $17.68 milyan.

Saameynta Laga Filayo

Dowladda Soomaaliya waxaa laga filayaa in ay dhaqaalaha kaga faa’iideysto:

Dib u u hagaajinta adeegyada bulshada

Lashaqeyso dayactirka kaabayaasha dhaqaalaha

Maalgashato barnaamijyada bulshada ee muhiimka ah

AfDB waxay sheegtay in lacagaha la sii daayo lagu taageeri doono:

Shaqaaleysiinta macallimiin badan

Helidda biyaha nadiifta ah

Soo kabashada adeegyada caafimaadka, gaar ahaan gobollada ay saamaysay abaartu iyo colaadaha

Deyntan la cafiyey waxay sidoo kale kor u qaadi doontaa kalsoonida maalgashiga, waxayna u gogol xaari doontaa Soomaaliya in ay hesho maalgelin cusub oo jaban oo loogu talagalay dib u dhiska iyo horumarinta muddada fog.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this