Deeq A. Posted 16 hours ago Xaaladda magaalada Boorama ayaa saaka kusoo noqotay deganaan kadib mudaharaadkii rabshadaha watay ee habeen iyo shalay sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ciidanka Milatariga ayaa guud ahaan laga saaray magaalada. Dadaallo nabadeed oo ay wadaan waxgaradka, salaadiinta iyo maamulka heer gobol ayaa si xoog leh u soconaya, kuwaas oo diiradda saaraya dejinta xiisadda ka dhalatay muranka bandhigga buugga Xeer Ciise ee lagu qabanayo Saylac. Odayaasha dhaqanka ayaa ku baaqay in bulshada laga wada ilaaliyo hadallo kicinaya colaadda, isla markaana loo midoobo wada-hadal degdeg ah oo nabad ku dhammaada. Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa shalay ka hadlay dhacdooyinkii ka dhacay Boorama, isagoo sheegay in xukuumaddiisu qaadan doonto masuuliyadda wixii dhacay, isla markaana ay muhiim tahay in la baaro sababaha keenay isku dhacyadii dhacay. Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu diyaar u tahay in ay dhinac walba la fadhiisato si xal waara loo gaaro, loogana hortago in xiisaddu dib u soo noqoto. Madaxweynaha wuxuu sidoo kale shacabka Boorama ku bogaadiyay sida ay saaka u muujiyeen deganaan, uguna soo laabteen ganacsigii iyo dhaq-dhaqaaqii caadiga ahaa, isagoo ku adkaystay in nabaddu ay tahay tiirka ugu weyn ee bulshada lagu wada noolaan karo. Laamaha ammaanku waxay sheegeen in ay sii wadi doonaan sugidda amniga ilaa hubanti buuxda laga helo, balse ay mudnaanta siinayaan hab nabadeed oo cilmi ku dhisan, halkii ay xoog u isticmaali lahaayeen. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites