Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo shaaciyay in Soomaaliya wajaheyso halis saddex dhinac ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho-scaled.webp?fit=2560%2C1666&ssl

Ankara (Caasimada Online) – Akadeemiyada Sirdoonka Turkiga ayaa soo saartay warbixin cusub oo ka digaysa xaalad adag oo soo food saari karta Soomaaliya.

Soomaaliya ayey sheegtay in ay ku gadaaman yihiin halisyo badan oo ay ka mid yihiin Al-Shabaab, xiisadda siyaasadeed, tabar yarida hay’adaha dowladda, cadaadis dibadeed iyo culayska dhaqaale.

Warbixinta oo aheyd mid dheer ayaa waxay tilmaantay in xiriirka istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid dhowr lakab leh, balse jawiga uu ku shaqeynayo uu ka buuxo halisyo adag oo saameyn doona xasiloonida Soomaaliya iyo iskaashiga labada dal.

Sida lagu sheegay warbixinta, Al-Shabaab ayaa weli sii wada weerarro qorsheysan, sidoo kalena waxay maamulaan deegaano ka tirsan dalka. Sidoo kale sirdoonka Turkiga ayaa muujiyay sida uu khatar ugu arkaa in ciidanka dowladda aysan weli awoodin in ay dalka ka difaacaan kooxha argigixisada iyaga oo aan taageero dibadeed.

Hay’adaha dowladda Soomaaliya ayey warbixintu muujisay in ay weli ku tiirsan yihiin deeq-bixiyeyaasha, isla markaana aysan awoodin inay si madax-bannaan u maareeyaan adeegyada muhiimka ah, halka dib-u-dhacyada mashaariicda ay noqdeen caqabad weyn oo muuqata.

Warbixintu waxay tilmaamtay in ay jiraan mashaariic horumarineed, iskaashi amni iyo fursado dhaqaale oo la xiriira xubinnimada Soomaaliya ee Jaamacadda Bariga Afrika, balse khataraha la soo sheegay ay weli yihiin caqabado culus.

Gaba-gabada warbixinta ayaa lagu adkeeyay in mustaqbalka dalka uu ku xirnaan doono dhismaha hay’ado awood leh, yareynta khatarta argagixisada, maaraynta khilaafaadka siyaasadeed, u adkeysiga cadaadiska dibadda iyo xasillinta dhaqaalaha.

The post Turkiga oo shaaciyay in Soomaaliya wajaheyso halis saddex dhinac ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this