Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay xiisadda Boorama iyo ciidamadii lagu daabulay oo…

Recommended Posts

Deeq A.   
Boorama.jpg?fit=1011%2C691&ssl=1

Boorama (Caasimada Online) – Banaanbaxyadii rabshadaha watay ee saacadihii u dambeeyay ka socday magaalada Boorama ayaa hadda yara kala joogsaday, iyadoo la filayo in ciidamadii ay xukuumadda geysay magaalada dib looga qaado.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xukuumadda Somaliland ayaa mas’uuliyiinta kasoo jeeda gobolka Awdal oo uu kamid yahay Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo maanta si adag ugu digay xukuumadda la qaadatay in xaaladda la dejiyo.

Xildhibaan Abiib ayaa galabta gaaray magaalada Boorama si uu u dejiyo shacabka reer Awdal ee ka biyo diidan go’aankii xalay kasoo baxay xukuumadda Somaliland.

Xildhibaanka ayaa wada-hadal la yeeshay Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ka hor inta uusan ka bixin Hargeysa, iyadoo la isla qaatay in xaalka la dejiyo, isla markaan ciidamadii lagu daabulay Boorama dib looga soo qaado.

Xukuumadda Cirro iyo odayaasha dhaqanka oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta kala duwan ee reer Awdal ayaa wada-hadallo la bilaabaya xukuumadda Somaliland, si xal looga gaaro rabshadaha khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay magaalada Boorama.

Rabshadaha Boorama oo soo bilowday xalay kadib markii xukuumadda Somaliland ay ku dhawaaqday inay fasaxday bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac ayaa waxaa ku dhintay 16 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 60 kale.

Xiisadda ayaa ka dhalatay fasaxa bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanyo Saylac, kaasi oo beelaha Gadabuursi u arkaan mid looga sheeganayo dhulkooda, halka Ciise uu qabashada bandhigan u arko mid uga adkaaday beelahan, oo isku hayaan deegaankaasi.

The post Wararkii ugu dambeeyay xiisadda Boorama iyo ciidamadii lagu daabulay oo… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this