Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Farmaajo iyo Shariif oo shir uga socdo Muqdisho iyo arrimaha looga hadlayo

Recommended Posts

Deeq A.   
Farmaajo-Shariif.jpeg?fit=2048%2C1540&ss

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa shir uga socdaa magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ah kii u horreeyay ee u dhexeeya Farmaajo iyo Shariif tan iyo markii uu magaalada Muqdisho kusoo laabtay Farmaajo ayaa waxaa diiradda lagu saaraya shirweynaha mucaaradka uga furmaya magaalada Kismaayo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynayaashii hore ayaa lafa-guraya sidii shirkaas looga dhigi lahaa mid ballaaran oo u furan siyaasiyiinta kala duwan iyo bulshada.

Shirweynaha Kismaayo oo noqonaya midkii ugu weyn ee mucaaridku qabsadaan ayaa waxaa qaban-qaabadiisa wada Jubbaland, Puntland iyo Madasha Mucaaridka oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, waxaana la filayaa in siyaasiyiin kale oo aan qayb ka ahayn golaha ay ka qayb noqdaan.

Shirweynahan ayaa la doonayaa in looga hortago doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelinteeda ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli ay bilooyin kooban ka harsan yihiin muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ah madal ay ku mideysan yihiin maamullada Jubaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka ee Madasha Samatabixinta ayaa dhawaan si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan in muddo kororsi loo sameeyo Madaxwyene Xasan Sheekh, iyaga oo digniin culus kasoo saaray arrintaas.

Sidoo kale, golaha ayaa si adag u diiday wax ka beddalka lagu sameeyay dastuurka iyo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ka dhacda dalka

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in uu si cad uga soo horjeedo tallaabo kasta oo horseedaysa muddo-kororsi ay sameystaan hay’adaha dowladda federaalka,” ayaa lagu yiri bayaan dhawaan kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

“Natiijo kasta oo ka dhalata doorasho aan heshiis lagu aheyn, iyo wax-ka-baddel kasta oo aan sharci ahayn oo lagu sameeyay ama lagu sameyn doono Dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee 2012,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.

Golaha ayaa markaas farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, oo ugu baaqay inay u istaagaan badbaadinta dalka iyo inay adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan ka qayb-galka badbaadinta mustaqbalka dalka oo ay ugu horreyso sidii ay dalka uga dhici lahayd doorashada hay’adaha federaalka Soomaaliya.”

The post Xog: Farmaajo iyo Shariif oo shir uga socdo Muqdisho iyo arrimaha looga hadlayo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this