Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay rabshadaha Boorama, kuna dhawaaqay…

Recommended Posts

Deeq A.   
Cirro-1.webp?fit=2048%2C1550&ssl=1

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa goordhoweyd ka hadlay xaaladda kasoo cusboonaatay magaalada Boorama, oo saacadihii u dambeeyay ka socdeen rabshado xooggan.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay shacabkii ku geeriyooday rabshadaha magaalada Boorama ka socday tan iyo xalay. “Waxay aheyd dhib laga baaqsan karayay haddii caqliga la isku geeyo, waxa ay tahay dhiilo iyo dhag xumo aan dhagaha Somaliland u wanaagsaneyn,” ayuu yiri.

Madaxweyne Cirro ayaa ku dhawaaqay in ciidamada milatariga ee lagu daabulay magaalada Boorama ay kasoo baxayaan magaalada, isagoo faray ciidanka inay dib ugu soo laabtaan xeryahooda.

“Waxaan farayaaa dhamaan ciidamada qaranka ee milateriga ee ku jirta magaalada inay dib ugu noqdaan xeryahooda. Sidoo kale waxaa ugu baaqayaa salaadiinta, oday dhaqameedka, aqoonyahanka iyo ganacsatada reer Somaliland inay deg-deg uga howl-galaan sidii ay uga qeyb noqon lahaayeen xasiloonida gobolka Awdal,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Cirro oo dejinaya beelaha Gadabuursi oo ka gadooday bandhiga xeerka Ciise oo ay sheegeen in Ciise ku muujinayso sheegashadiiaa degmada Saylac, ayaa sheegay in aan marnaba laga qaadan karin dhulkooda.

“Taariikhdu waxay na bartay xaqiiqda ah in aanay cidna dhayal ku qaadan karin dhul iyo deegaan ay cid kale dagto, maantana suurta-gal ma noqoneyso in gobolka Awdal ay taariikh cusub ka qorato,iyadoo oo ay tirto taariikhdaas qarniyada soo jirtay,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumaddiisa ay baaris dhab ah ku sameynayso wixii dhacay, isla markaana ay kala xisaabtami doonto ciddii yeelata mas’uuliyada wixii saacadihii dambe ka dhacay magaalada Boorama.

Hoos ka daawo muuqaalka

The post Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay rabshadaha Boorama, kuna dhawaaqay… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this