Deeq A. Posted 14 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay banaanbaxayda xooggaan ee ka bilowday Boorama ayaa u digay maamulka Somaliland. Wasiir Fiqi ayaa uga digay hoggaanka Somaliland caburinta shacabka iyo in dhiigooda la daadiyo, isagoo ugu baaqay in aysan hor istaagin rabitaanka shacabka reer Awdal. “Shacabka waa in aan la caburin, dhiigooda la daadin, lana dhagaystaa codkooda iyo rabitaankooda. Haddii lagu fasiray gooni-goosadnimada rabitaan shacab, yaan la hor istaagin rabitaanka dadka reer Boorame ka soo baxaya,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi. Wasiirka ayaa sidoo kale farriin u direy shacabka reer Awdal, oo uu ku booriyay adkeysiga. “Umaddii ku adkaysata hadafkeeda xaqqa ah waa guulaysanaysaa,” ayuu yiri. Banaanbaxyo rabshado wata ayaa saacadihii u dambeeyay ka socday magaalada Boorama ee xarunta gobollada Awdal. Rabshadaha Boorama oo soo bilowday xalay kadib markii xukuumadda Somaliland ay ku dhawaaqday inay fasaxday bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac ayaa waxaa ku dhintay 16 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 60 kale. Xiisadda ayaa ka dhalatay fasaxa bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac, kaasi oo beelaha Gadabuursi u arkaan mid looga sheeganayo dhulkooda, halka Ciise uu qabashada bandhigan u arko mid uga adkaaday beelahan, oo iyagu isku hayaan deegaankaasi. The post Maxay DF Soomaaliya ka tiri xaaladda ka taagan Boorama? appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites