Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo gaaray Qatar – Sidee loogu soo dhaweeyay?

Recommended Posts

Deeq A.   
594153427_1318996760271460_6520730556578

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo Madasha Dooxa ee lagaga arrinsanayo amniga, siyaasadda iyo iskaashiga horumarineed.

Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha ee Hamad International Airport waxaa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Qatar.

Booqashada Madaxweynaha ee Qatar ayaa waxay qeyb ka tahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee labada dal, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.

Inta uu ku sugan yahay Dooxa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulammo la qaadan doona Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad iyo madaxda dalkaas oo ay ka wada-hadlayaan xaaladda gobolka iyo mustaqbalka xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Ka qeyb-galka Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Madasha Dooxa ayaa fursad wanaagsan u ah muujinta muuqaalka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo xoojinta wada-hadallada caalamiga ah ee ku saabsan amniga iyo mustaqbalka gobolka.

Dooxa Forum ayaa ah madal sanadle ah oo lagu falanqeeyo diblumaasiyadda, wada-hadalka iyo arrimaha nabadda caalamka.

Qatar ayaa kamid ah dalalka carbeed ee sida u dhow u taageera Soomaaliya, waxayna sidoo kale dalka ka fulisaa mashaariicyo kala duwan oo horumarineed.

594153427_1318996760271460_6520730556578

594776951_1318996860271450_3682163214767

594160117_1318996806938122_3320482453652

594955888_1318996816938121_4527888096588

595565756_1318997376938065_8662750167359

The post Sawirro: Xasan Sheekh oo gaaray Qatar – Sidee loogu soo dhaweeyay? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this