Sign in to follow this  
Deeq A.

Liiska dalalka dadkooda laga mamnuucay Mareykanka oo la kordhiyey, lana gaarsiiyey 30

Recommended Posts

Deeq A.   
2025-10-30T162224Z_103034777_RC2GMHAAG29

Washington (Caasimada Online) –  Xoghayaha Amniga Gudaha ee Mareykanka, Kristi Noem, ayaa shaaca ka qaadday in xukuumadda Washington ay qorsheynayso inay ballaariso tirada dalalka muwaadiniintooda laga mamnuucayo inay soo galaan Mareykanka, iyadoo liiskaas la gaarsiinayo in ka badan 30 dal.

Mar wax laga weydiiyay wareysi ay siisay barnaamijka “The Ingraham Angle” ee telefishinka Fox News, inay xaqiijiso haddii maamulka Madaxweyne Trump uu liiska ka dhigayo 32 dal, Noem waxay tiri: “Ma rabo inaan tiro cayiman sheego, balse waa in ka badan 30, madaxweynuhuna wuxuu weli qiimayn ku hayaa dalal hor leh.”

Bishii June, Trump wuxuu saxiixay wareegto uu muwaadiniinta 12 dal kaga mamnuucay inay soo galaan Mareykanka, halka 7 kalena uu kusoo rogay xannibaado adag. Wuxuu tallaabadaas ku sababeeyay inay tahay mid looga gaashaamanayo “argagixisada shisheeye” iyo khataraha dhanka amniga. Xayiraaddan ayaa saameynaysa dadka soo-galootiga ah iyo kuwa booqashada u socda sida dalxiisayaasha, ardayda, iyo ganacsatada.

Inkastoo Noem aysan carrabaabin magacyada dalalka cusub ee liiska lagu darayo, haddana waxay bixisay sababta keentay go’aankan adag.

“Haddii dal uusan lahayn dowlad xasilloon, ama uusan ahayn dal is-bixin kara oo noo sheegi kara dadkaas kuwa ay yihiin, nagulana garab istaagi kara hubintooda, maxaan u oggolaanaynaa inay dadkaasi yimaadaan Mareykanka?” ayay tiri Noem.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa hore u baahisay in maamulka Trump uu ka fiirsanayo inuu liiska ku daro 36 dal oo dheeri ah, sida lagu xusay xog diblomaasiyadeed oo sir ahayd.

Tallaabadan lagu sii adkeynayo socdaalka ayaa timid kadib markii todobaadkii hore magaalada Washington D.C. lagu toogtay laba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Qaranka (National Guard). Baarayaasha ayaa sheegay in weerarkaas uu geystay nin u dhashay Afghanistan oo Mareykanka soo galay sannadkii 2021-kii, xilligaas oo mas’uuliyiinta Trump ay ku doodayaan inaanan si dhab ah loo hubin dadka ku soo galayay barnaamijka dib-u-dejinta.

Maalmo yar kadib toogashadaas, Trump wuxuu wacad ku maray inuu si “ku-meel-gaar ah u joojin doono” isu-socodka dadka ka imanaya dhammaan waddamada uu ugu yeeray “Dunida Saddexaad,” in kastoo uusan qeexin dalalka uu ula jeedo ama shuruudaha uu ku xushay.

Intaas ka hor, saraakiisha Waaxda Amniga Gudaha ayaa sheegay in Trump uu amar ku bixiyay in dib u eegis ballaaran lagu sameeyo kiisaska magangalyada ee la ansixiyay xilligii maamulkii Madaxweyne Joe Biden, iyo kaararka deggenanshaha (Green Cards) ee la siiyay muwaadiniinta 19 dal.

Tan iyo markii uu xafiiska dib ugu soo laabtay bishii Janaayo, Trump wuxuu mudnaanta koowaad siiyay fulinta sharciga socdaalka, isagoo ciidamo federaal ah geeyay magaalooyinka waaweyn, soogalootiga magangalyo-doonka ahna kasoo celiyay xadka Mexico. Maamulkiisu wuxuu inta badan diiradda saarayay masaafurinta, balse haatan waxay u muuqataa inuu xoogga saarayo qaabeynta iyo xaddididda socdaalka sharciga ah.

 

The post Liiska dalalka dadkooda laga mamnuucay Mareykanka oo la kordhiyey, lana gaarsiiyey 30 appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this