Deeq A. Posted 2 hours ago London (Caasimada Online) – Feeryahanka caanka ah ee Soomaaliyeed Ramla Cali ayaa muuqaal ay ku baahisay barteeda TikTok ku sheegtay in Dowladda Maraykanka loo diiday dal-ku-gal ay kaga qayb gashay barnaamij si toos ah looga daawan doono Netflix oo ay kasoo qaybgalayaan feeryahanno caan ah. Ciyaarta ugu culus ayay dhex mari doontaa feeryahankii caanka ahaa ee hore, laba jeer ku guuleystay biladda feerka culus, Anthony Joshua oo 36 sano jir ah oo reer Britain ah, iyo YouTuber-ka feeryahan noqday ee Jake Paul. Ciyaartan ayaa ka dhici doonta garoonka ciyaaraha ee Kaseya Center ee ku yaalla magaalada Miami. Kulankan feerka, oo si toos ah looga daawan doono Netflix, ayaa la qaban doonaa 19-ka December, waxaana uu ka koobnaan doonaa siddeed wareeg, midkiiba saddex daqiiqo. Ramla, oo ku hadlaysay muuqaal ay duubtay, ayaa sheegtay in booqashadeedii dhowaan ee Soomaaliya ay sabab u noqotay in laga hor istaago ka-qaybgalka tartan la qorsheeyay in uu qabsoomo 19-ka December. Waxay codsatay Madaxweynaha Soomaaliya, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, iyo masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan, in ay fuliyaan ballanqaadkoodii ahaa in loo soo saaro baasaboorka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya. Ramla ayaa sheegtay in loo ballanqaaday in ay heli doonto baasaboorka Soomaaliga ee diblomaasiyadeed si ay u booqato dalka Maraykanka ugana qayb gasho ciyaartaas. “Wasiirrada markii aan u socday Soomaaliya ayaan u sheegay, ballan ay iga qaadeen baasaboorka diblomaasiga in ay i siiyaan si ay iigu fududaato Ameerika inaan galo,” ayay Ramla ku tiri muuqaalkii ay soo gelisay barteeda. “Madaxweynuhu, wasiirrada iyo kuwii oo dhan way iga ballanqaadeen. Weli waan sugayaa. Weli wax iima soo dhicin, hadda ma dheeli karo 19-ka December,” ayay tiri iyada oo hadalkeeda sii wadata. Ramla Cali oo ah gabadh taariikh ka samaynaysa dhanka feerka, Soomaaliya-na ku metelaysay ciyaaro badan oo feer ah, ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee ka soo jeedda Soomaaliya ee u tartanta ciyaaraha feerka ee Olombikada. Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii Ramla ay ku guuleysatay tartan feer ah, waxayna noqotay gabadhii ugu horreysay ee Muslim ah ee ku guuleysata feer dalka Britain. Wixii ka dambeeyey guushaas waxay go’aansatay in Soomaaliya ay ku matasho tartanka Olombikada, gaar ahaan feerka. Sanadkii 2023-kii, waxay ka mid noqotay Xulka Haweenka Adduunka ee shabakadda Time. Sidoo kale, waxay heshiis la gashay shirkadda MVP (Most Valuable Promotions) oo ah hay’ad taageerta ciyaartoyda feerka, waana shirkad uu dhismaheeda qayb ka yahay feeryahanka caanka ah ee Jake Paul oo isna ciyaar aad loo sugayo ku leh Miami. “Ramla waa quwad isbeddel oo caalami ah, una isticmaalaysa masraxeeda in ay ku baabi’iso caqabadaha, dhiirrigelinaysana hablaha dunida,” ayay ku yiraahdeen qoraal ay soo saareen markii ay heshiiska la galeen. Ramla waxay sheegtay in ay u aaday Soomaaliya si ay u aragto dalkeeda iyo dadkeeda, balse ay haatan dareemayso niyad-jab ka dhashay, sida ay sheegtay, ballankii loo qaaday oo looga baxay darteed. “Aniga waxaan rabay beladkayga inaan arko, dadkayga arko. Ballankii la iga qaaday markii aan Soomaaliya ka baxay waa la i ilaaway,” ayay ku sheegtay muuqaalka ay soo duubtay. “Hadda waxaan dareemayaa in Soomaali ahaan niyadda la iga jabiyay,” ayay tiri iyada oo wajigeeda murugo ka muuqato. Muuqaalka ay soo dhigtay barteeda waxaa ku jiray qayb uu ku hadlayo isuduwaha barnaamijkan, kaas oo sheegay in uusan hubin in fiiso loogu heli karo. “Waxaan rabaa inaan farriintan si toos ah kuugu soo diro. Waa inaan kaa saaro munaasabadda dhacaysa 19-ka December ee Netflix, ma jirto hubanti aan fiiso kuugu heli karo,” ayuu muuqaalka ku yiri maamulaha Ramla. “Wax walba oo aad samayn karto si aad u xaliso mustaqbalka waa wax weyn,” ayuuna kusoo gunaanaday farriintiisa. Waxaan xiriir la samaynay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaraddeeda Ciyaaraha, wuxuuna wasiirku sheegay in arrinta ay Ramla sheegtay aysan waxba ka jirin. “Arrintaasi arrin wax ka jiraan ma aha. Cid baasaboorka diblomaasiga u ballanqaadday in ay Ramla u samaysana ma jirto. Laakiin Ramla waa ciyaaryahanad Soomaaliyeed, magaca Soomaaliyana mar ayey soo matashay,” ayuu yiri Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Maxamed Cabduqaadir Gurey, oo sidaas u sheegay BBC. Wasiirku wuxuu qiray in booqashadeedii ay Ramla ku timid Muqdisho ay ku codsatay baasaboor, balse nooca ay u awoodeen ay ahaa kan shaqaalaha. “Way jirtay in ay mar booqasho ku timid magaalada Muqdisho. Intii karaankayaga ahayd ee aan samayn karnayna waan samaynay. Markay booqashada dhammaysatayna waxay codsatay baasaboor, waanna u sheegnay in ciyaartooyda iyo dadka ka shaqeynaya arrimaha adeegga qaranka ay leeyihiin baasaboorka nooca shaqaalaha, maalinta ay codsatayna waan u dalabnay,” ayuu hadalka sii raaciyay. Wuxuu xusay wasiirku in sida ay iyagu og yihiin aanay jirin meel ay Ramla hadda Soomaaliya ku matasho. “Meel ay dowladda Soomaaliya hadda ku matalayso ma ogin, laakiin in ay ciyaartooy Soomaaliyeed tahay waan ognahay. Laakiin ciyaar ay dowladda Soomaaliya ka qaybgalayso ama wax looga baahan yahay oo annaga nala og yahay ma jirto,” ayuu ku celiyay wasiir Gurey. Wuxuu sheegay in baasaboorka diblomaasiga ay leeyihiin diblomaasiyiinta iyo cid kasta oo uu madaxweynuhu u arko oo keliya. The post Ramla Cali: “DF way igaga baxday ballantii ay iga qaaday” appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites