Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta howlgal culus oo ka dhacay Cowswayne

Recommended Posts

Deeq A.   
faahfaahin-ciidamada-xoogga-dalk.jpg?fit

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka warbixiyay howlgal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud, kaas oo jab culus lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgal ka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay lagu beegsaday fariisi ay kooxda ku lahayd halkaasi, kadibna ay la wareegeen ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka.

“Hawlgalka oo si xirfadeysan loo fuliyay ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay kooxda khawaarijta ku lahaayeen deegaankaas, waxaana ciidamada la wareegeen kontaroolkii muhimka ahaa ee ay halkaasi ku lahaayeen maleeshiyaadka khawaarijta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa goobta lagu dilay xubno kamid ahaa argagixisada halka kuwa kalena ay ja firxadeen goobta, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

“Intii uu hawlgalka socday, ciidamada ayaa khasaare culus gaarsiiyay maleeshiyaadkii khawaarijta ee ku sugnaa halkaasi, iyagoo sidoo kale ka kala eryay deegaankaasi guud ahaan” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana haatan ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay howlgal ka wadaan aagga deegaanka Cowswayne oo kamid ah deegaannadan hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Cowswayne ayaa kamid ah deegaannadii ay dib ula wareegtay kooxda Al-Shabaab, waxaana sanadkii 2023-kii ay ka fulisay weerar ay ku leysay askar iyo saraakiil muhiim ahaa oo ka tirsaan Xoogga dalka, kuwaas oo illaa hadda hadal hayo, maadaama uu noqday mid kamid ah weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ay la kulmaan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya

Al-Shabaab oo xilligaas sheegasho yaab leh kasoo saartay weerarkii Cowswayne waxa ay sheegtay inay ku dishay illaa 178 askari, sida ay hadalka u dhigtay.

The post Xogta howlgal culus oo ka dhacay Cowswayne appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this