Deeq A. Posted December 4 Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa lagu wadaa in uu maanta safarkii ugu horreeyay tan iyo dib u doorashadiisii ku tago magaalada Muqdisho. Madaxweyne Firdhiye ayaa qaybgalaya shir ay Muqdisho ku yeelanayaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Waqooyi Bari, kaas ay uga arrinsanayaan doorashooyinka qof iyo cod ee ay ku howlan tahay dowladda federaalka. Shirkan ayaa yimid, kaddib markii khilaaf xoogan ka dhexdhashay xisbiga ay mudeysan yihiin madaxda dowladda federaalka iyo madaxda afartan maamul goboleed, kaas oo la xiriira arrimaha doorashooyinka qof iyo cod. Maamulka Galmudug ayaa maalmo ka hor yimid shakhsiyaad uu degmooyinka maamulkaas u magacaabay xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Xisbiga JSP ayaa 13 bishii May ee sanadkan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, waxaana ku midoobay madaxda dowladda federaalka iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Waqooyi Bari, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh loo doortay guddoomiyaha xisbiga. PUNTLAND POST The post Firdhiye oo ku wajahan Muqdisho iyo ujeedka safarkiisa appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites