Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh miyuu u jawaabay Trump?

Recommended Posts

Deeq A.   
1000099051.jpg?resize=1000%2C750&ssl=1

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta jeediyay hadal ay dadka qaarkii u arkeen in uu ugu jawaabayo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo maalmahan weerar afka ah ku qaaadayay Soomaaliya iyo Soomaalida Minnesota.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa yiri “dad badan ayaa hoos noo fiirinaya oo u malaynaya in aan meeshii shalay joogno, u sheega meeshii nalagu ogaa ka kacnay”.

Lama oga ilaa iyo hadda in hadalka madaxweyne Xasan Sheekh jeediyay uu jawaab u yahay hadalladii madaxweynaha Maraykanka ku weeraray dowladnimada Soomaaliya iyo Soomaalida ku nool Minnesota.

Madaxweyne Trump ayaa ku celceliyay in Soomaaliya ay tahay dal dowlad la’aan ah oo uraya, halka uu Soomaalida Minnesota ku tilmaamay kuwa aan waxba soo kordhin oo uusan doonayn in ay sii joogaan dalka Maraykanka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheekh miyuu u jawaabay Trump? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this