Sign in to follow this  
Deeq A.

Mudaharaad uu sababay go’aan la xiriira buuga xeer Ciise oo ka dhacay Boorama

Recommended Posts

Deeq A.   
1000099418.jpg?resize=720%2C580&ssl=1

Maamulka Somaliland ayaa saacado ka hor go’aan ku gaaray in magaalada Seylac ee gobolka Awdal lagu qaban karo bandhiga buuga xeer Ciise.

Go’aanka Somaliland kaddib waxaa caawa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ka dhacay mudaharaad lagu diidan yahay in bandhiga buuuga xeer Ciise lagu qabto magaalo xeebeedka qadiimiga ah ee Seylac.

Mudaharaadka caawa ka dhacay magaalada Boorama wuxuu sababay in ay dhaawacmaan dhowr qof oo shacab ah, sida ay xajiijiyeen goobjoogayaal.

Xiisadda uu abuuray buugga xeer Ciise ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka taagnayd magaalooyinka Boorama iyo Seylac, iyadoo maamulka Somaliland uu markii hore diiday bandhigaas.

PUNTLAND POST

The post Mudaharaad uu sababay go’aan la xiriira buuga xeer Ciise oo ka dhacay Boorama appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this