Deeq A. Posted Thursday at 11:20 PM Guddoomiyaha Dallada Bangiyada Puntland Khaliif Maxamed Jaamac. Bangiyada gaarka loo leeyahay ee Puntland ayaa markii ugu horreysay sameystay dallad ay ku mideysan yihiin oo ka shaqaysa wada shaqaynta bangiyada, danaha guud ee ka dhexeeya iyo mideynta dadaalkooda horumarinta bulshada. Munaasabad ka dhacday Garowe ayaa lagu doortay guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Dallada Bangiyada Puntland, waxaana ka qaybgalay bangiyada kala ah; Dahabshiil Bank, Salaam Bank, Amal Banka, Priamer Bank, IBS Bank SomBank iyo Daryeel Bank. Guddoomiyaha waxaa u tartamay Cali Siciid Maxamuud oo ka socday Dahabshiil Bank iyo Khaliif Maxamed Jaamac oo ka socday Salaam Bank, waxaana cod qarsoodi ah lagu doortay Khaliif Maxamed Jaamac oo noqday guddoomiyaha cusub ee Dallada Bangiyada Puntland. Guddoomiye ku-xigeenka dallada ayaa loo doortay Cali Cabdiqaadir Ciise oo kaligiis u tartamayay booskaas kana socday Amal Bank. PUNTLAND POST The post Bangiyada Puntland oo dallad sameystay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites