Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku dhawaad 10 qof oo ku dhintay mudaharaadyada Boorama

Recommended Posts

Deeq A.   
1000099743.jpg?resize=1000%2C750&ssl=1

Inta la xaqiijiyay siddeed qof oo dhalinyaro u badan ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badana waa ku dhaawacmeen mudaharaadyada ilaa xalay ka socday magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in khaasaaraha dhimashada iyo dhawaaca ay sababtay rasaas ay ciidamo boolis iyo militari ah u adeegsadeen dadka mudaharaadyada dhigaya oo dhankooda burburiyay xarumo dowladeed oo ku yaalla magaalada, kuwaas oo uu ka mid yahay bangiga dowladda.

Mudaharaadyada Boorama ayaa bilowday kaddib markii shalay galinkii dambe ay xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday in bandhigga buuga xeer Ciise lagu qabto magaalo xeebeedka qadiimiga ah ee Seylac.

Xiisadda uu abuuray bandigga buugga xeer Ciise oo ah xeer dhaqameed muddo dheer jiray ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka taagnayd magaalooyinka Boorama iyo Seylac, iyadoo xukuumadda Somaliland ay markii hore diiday bandhigaas.

PUNTLAND POST

The post Ku dhawaad 10 qof oo ku dhintay mudaharaadyada Boorama appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this