Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii Golaha Wasiirrada Iyo wixii lagaga wada hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

๐–๐€๐‘ ๐’๐€๐—๐€๐€๐…๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒ

Fadhigii 44-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Fadhigii 44-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada waxa lagaga wada hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

๐Ÿ. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL, Mudane Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac oo ah Xubin ka tirsan Guddida Gurmadka Abaaraha Heer Qaran, isaga oo sheegay in maalinba maalinta ka dambaysa Gobollada Dalka oo dhan ay Xaaladda Abaarahu sii adkaynayaan, waxana jira cunto iyo biyo laโ€™aan baahsan oo halis ku ah nolosha dadka. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in loo baahan yahay in la galo Gurmad Qaran oo lagu taakulaynayo dadkeenna ay abaaruhu saameeyeen.

๐Ÿ. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa ka war bixiyey Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), isaga oo sheegay in ammaanka guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay mid sugan oo xasiloon, isla markaana aanay jirin wax amni darro ah ama qalalaase nooc kasta oo uu yahayba.

๐Ÿ‘. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐š๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa Golaha Wasiirrada war bixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan.

Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay dedaallo weyn gelisay sidii ay u soo bixi lahaayeen Dakhligii lagu Odorosay Miisaaniyadda 2025-ka, taasi oo Dakhligii 11-kii bilood ee ina dhaafay (Jan-November) uu u soo xerooday sidii loo qorsheeyey.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu sheegay marka la eego hab-sami-u-socodka Dakhliga dalka, in Wasaaraddu ay rajaynayso in dhammaadka Sannadka uu soo baxo Miisaaniyad dheeri ah (Surplus).

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Maaliyaddu waxa uu si guud uga xog warramay hab-sami-u-socodka Mashaariicda laga maal-geliyo Baanka Adduunka iyo Baanka Horumarinta Afrika, kuwaasi oo si wacan u socda maadaama ay Wasaaraddu wanaajisay xidhiidhka Hayโ€™adaha Dawladda JSL iyo Baananka isla markaana la tayeeyey lana saxay waxyaabaha looga baahan yahay Mashaariicda.

Wasiirku waxa uu sheegay in sannadka cusub ay rajaynayaan in ay Somaliland u soo kordhaan Mashaariic hor leh, isla markaana Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaaluhu ay diyaarisay Qorshihii lagu heli lahaa wixii Mashaariic ah ee ay Somaliland xaq u leedahay (Fair share).

Gabagabadii, Wasiirka waxa uu sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu ay diyaarisay Siyaasado iyo Daraasado kor loogu qaadayo koboca dhaqaalaha dalka, taasi oo la rajaynayo in ay wax weyn ka bedeli doonto xaaladaha dhaqaale ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

๐Ÿ’. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

Waxa Golaha Wasiirrada war bixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi.

Wasiirku waxa uu tilmaamay saamaynta taban ee ay abaaruhu ku yeesheen adeegyada caafimaadka dalka, gaar ahaan bulshooyinka ku nool deegaanada ay abaaruhu ku dhufteen.
Wasiirka Caafimaadku waxa uu dul istaagay saamaynta xun ee Abaaraha ee xagga adeegyada caafimaadka bulshada, kuwaasi oo ay ka mid yihiin:

1. Halista Nafaqo-darrada oo aad looga cabsi qabo, meelaha qaarkoodna taabatayba.
2. Halista Xannuunada Faafa ee ka dhalan kara xaaladda Abaaraha baahsan.
3. Diyaar-garowga Daawooyinka iyo Agabka Caafimaadka oo aad u kooban.

Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu Golaha Wasiirrada la wadaagay in uu si wanaagsan u socdo Barnaamijka Qalliinnada Bilaashka ah ee Indhaha oo ka socda Dhakhtarka Guud ee Hargeysa (in ka badan 600 oo qof) kaasi oo maraya heer wacan oo rajo wanaagsan u horseedaya bulshada baahida gaarka ah u qaba adeeggaasi.

Ugu dambayntii, Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay samaynayso Guddi Hawleed (Task Team) loo soo gudbiyo xogaha laga soo ururiyo Gobollada iyo Degmooyinka dalka, kadibna ka sameeya Qorshe rasmi ah oo lagu wajahayo Abaaraha soo noqnoqday (Drought Health Strategic Plan).

๐Ÿ“. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐š๐š๐›๐ฌ๐š๐ง ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐š๐ซ๐š-๐ค๐š๐œ๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa Golaha Wasiirrada war bixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Dib-u-Dejinta iyo Arrimaha Biniโ€™aadannimada, Mudane Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac.

Wasiirku waxa uu si qoto dheer uga warbixiyey xaaladda adag ee ay ku sugan yihiin bulshada Barakacayaasha dalka, kuwaasi oo ay si baโ€™an u saameeyeen abaarihii isdaba-joogga ahaa ee dalka ku dhuftay.

Wasiirku waxa uu tilmaamay caqabadaha culus ee ka jira xeryaha Barakacayaasha, oo ay ka mid yihiin biyo laโ€™aan, cunto yaraan, adeegyada caafimaadka oo hoos u dhacay, iyo fursadaha nololeed oo aad u yaraaday. Waxa uu sidoo kale xusay in deeqihii iyo gargaarradii ay hore u bixin jireen Hayโ€™adaha Caalamiga ah (Lacago Cash ah, Raashin iyo Biyo Nadiif ah) ay muddooyinkan dambe gebi ahaanba is taageen, taasi oo xaaladda ku sii adkaysay bulshada nugul ee Barakacayaasha ah.

Wasiirka ayaa ugu baaqay Xukuumadda Somaliland, Hayโ€™adaha Samafalka, iyo daneeyayaasha gudaha in ay si degdeg ah u gaadhsiiyaan gurmad biniโ€™aadannimo si loo yareeyo culayska saaran kumannaanka qoys oo ku nool xeryaha barakaca ee dalka oo dhan.

๐Ÿ”. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‚๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š:

Waxa ka war bixiyey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL, Mudane Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase):

Wasiir-ku-xigeenku waxa uu Golaha uga xog warramay hawlaha Wasaaradda, hawlaha ka socda ee dhallinyarada iyo ciyaaraha, iyo qorshayaasha mudnaanta koowaad u leh Wasaaradda ee muddada dhow.

Wasiir-ku-xigeen Tadhase waxa uu sharraxaad ka bixiyey Garoomada Ciyaaraha ee ay Xukuumaddu dhagax-dhigtay, kuwooda maraya heer dhammaad ah, kuwa uu weli
dhismuhu ku socdo. Waxa kale oo uu xusay garoomada aan weli bilaabmin, iyada oo ay Wasaaraddu ku hawlan tahay dardar gelinta qorshayaashii farsamo ee bilowga Garoomada aan weli la bilaabin.

Sidoo kale Wasiir Tadhase waxa uu Faahfaahin ka bixiyey diyaar-garowga Koobka Koobabka ee Kubbadda Cagta, isaga oo sheegay in la dejiyey qorshe diiradda lagu saarayo kor u qaadista heerka tartanka gudaha, dhiirrigelinta kooxaha iyo xal u helida caqabadihii farsamo ee jira.

Ugu dambayntii, waxa uu Golaha la wadaagay qorshayaasha muddada dhow ee lagu tayaynayo dhammaan noocyada ciyaaraha Qaranka, qorshayaashaa oo ay ka mid yihiin:

1. Horumarinta kaabayaasha ciyaaraha dalka,
2. Tababarrada macallimiinta, iyo garsoorayaasha iyo guddiyada farsamo,
3. Xoojinta ururrada iyo naadiyada ciyaaraha ee dalka,
4. Kobcinta fursadaha ciyaaraha ee gobollada dalka.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this