Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysl Wasaaraha Soomaaliya muxuu ka yidhi caydii Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa ka falcelisay hadalada kasoo baxaayay maalmihii la soo dhaafay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka hadlaayay munaasabad ka dhacaysay magaalada Muqdisho ayay gabadh kamida ah dadkii kasoo qaybgalay munaasabadda weydiisay waxa uusan wax uga dhihin hadalada Trump.

Gabadha oo lagu magacaabo Hibo Sooyaal ayaa weydiisay Ra’iisul wasaaraha “Ilmo adeeradaaba waad u jawaabtee, Donald Trump; maxaadan ugu jawaabin?”

Ra’iisul wasaaraha ayaa isaga oo qoslaya ku bilaabay “Waa su’aal fiican”.

“Madaxweynaha Maraykanku, Soomaaliya kaliya ma ahee wadamo badan ayuu af-xumeeyay runtii” ayuu Ra’iisul wasaarahu yidhi isaga oo ka jawaabaya su’aasha ay gabadhu weydiisay.

“Dad badan buu wax ka sheegay, Nigeria ayuu wax ka sheegay, South Africa ayuu sidoo kale wax ka sheegay; marka mararka qaarkood; waxyaabo la yidhaahdo Salaaman ku dhaafa.” Isaga oo hadalka sii wata.

Trump oo Soomaalida ku tilmaamay “khashin iyo inay jahannamo ka yimaadeen” sheegayna inuusan dooneyn inay Mareykanka sii joogaan
3 Disembar 2025
Waxuu xusay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya in aysan ahayn hadalka Trump wax ah in la weyneeyo ayna tahay in meesheeda looga tago.

“In aan arrin ka dhigno oo aan micno u yeelno; waxaa ka dhibyar, in aan iska dhaafno” ayuu ku soo gabagabeeyay
Barnaamijyada Moobilka (Apps) awood ma u leeyihiin inay xadaan xogtaada khaaska ah? Sidee isu ilaalin kartaa?
End of Ugu akhris badan
Donald Trump ayaa sheegay inuusan doonayn muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan Maraykanka, isaga oo u sheegay weriyeyaasha in ay “dib ugu noqdaan halka ay ka yimaadeen” isla markaana “dalka ay ka yimaaddeen aanu wanaagsanayn sabab jirta darteed.”

“Runtaan kuu sheegayaa, ma rabo gudaha dalkayaga in ay sii joogaan,” ayuu yidhi intii lagu jiray kulan golihiisa wasiirrada Talaadadii. Trump wuxuu sidoo kale yidhi Maraykanku wuxuu “jid qaldan ku dhici doonaa haddii aan sii wadno in aan qashin soo qaadanno dalkayaga.”

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad, ayaa qoraal uu soo dhigay barta X wuxuu u dhignaa sidaan:”Dadka qaarkood waxaa aad ugu fududaatay inay Soomaaliya u adeegsadaan marmarsiiyo ama inay ku qariyaan guuldarradooda. Sheekadan ma aha oo keliya mid been ah, balse waa aflagaado loo geystay adkeysigeenna iyo naf-hurnimadeenna. Waa inaan midnimo muujinaa, ilaalinaa karaamadeenna, una muujinnaa caalamka inaanan ahayn wax uu qof doonayo oo sida uu rabo u adeegsado”.

Hadallada Trump ayaa yimid iyadoo la soo sheegayay in hay’adaha socdaalka ay qorshaynayaan hawl fulin balaadhan oo ka dhan ah muhaajiriinta, taas oo ka dhici doonta gobolka Minnesota oo Soomaalidu ku badan tahay.

Mas’uuliyiinta gobolka ayaa cambaareeyay qorshahaas, iyaga oo ku dooday in ay si aan caddaalad ahayn ugu dhici karto muwaadiniin Maraykan ah oo laga yaabo in muuqaalkoodu u ekaado dad ka yimid Geeska Afrika.

Wuxuu sidoo kale yidhi: “Soomaaliya, oo aan si fiican u ahayn dal, waad ogtihiin, waxba ma laha, waxba, wax kasta oo jira ma leh. Way iska ordayaan iyaga oo is dilaya. Mana jiro nidaam.”

Markaas ayuu u jeestay dhaleeceynta Wakiil Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Dimuqraadiyiinta, isla markaana ah gabadhii ugu horreysay ee Soomaali-Maraykan ah ee loo doorto Kongareeska, taas oo ay marar badan isku dhaceen madaxweynaha Maraykanka.

“Had iyo jeer waan daawadaa iyada,” ayuu sheegay Trump, isaga oo ku daray in Cumar ay “cid walba neceb tahay. Waxaanan u malaynayaa inay tahay qof aan waxba qaban karin (aan karti u lahayn).” ayuu ku yiri Trump.

Qoraal kooban oo ay ku daabacday barta X ayay Ilhaan Cumar sidatan ugu jawaabtay Donald Trump.

“Ku mashquuliddiisu aniga waxay noqotay mid cabsi leh,” ayay Omar ku jawaabtay qoraal baraha bulshada ah. “Waxaan rajaynayaa inuu helo caawinaadda uu sida daran ugu baahan yahay.”

Hay’adda Socdaalka iyo Kastamyada Mareykanka (ICE) ayuu amray maamulka Trump in ay bartilmaameedsato muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan sharciyada haysan ee ku nool magaalooyinka Mataanaha ah, sida uu sheegay qof arrimaha qorshaynta ku dhow oo u warramay CBS News, oo ah la-hawlgalaha BBC ee Maraykanka, Talaadadii.

Boqolaal qof ayaa la filayaa in la beegsado marka hawlgalku billowdo toddobaadkan, sida uu sheegay mas’uulkaas. Wargeyska The New York Times ayaa markii ugu horraysay soo tebiyay hawlgalka.

Afhayeen u hadashay Wasaaradda Amniga Gudaha oo ay ICE hoos timaaddo ayaa diidday inay ka hadasho hawlgallada qorshaysan, waxayna beenisay in dad lagu beegsan doono sababo la xidhiidha jinsiyaddooda.

“Maalin kasta, ICE waxay fulisaa sharciyada dalka oo dhan,” ayay tidhi Kaaliyaha Xoghayaha Tricia McLaughlin.

“Waxa qof ka dhiga bartilmaameedka ICE ma aha jinsiyaddiisa ama qowmiyaddiisa, balse waa xaqiiqda ah inuu dalka si sharci-darro ah ku joogo,” ayay tiri.

Shir jaraa’id oo uu qabtay, duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey, ayaa sheegay in hawlgal ay ICE fuliso uu “ka dhigan yahay in hab-raaca sharciyadu la meelmarin doonin.”

Sida ay sheegeen hoggaamiyeyaasha maxalliga ah, waxaa halkaas ku nool ku dhowaad 80,000 oo qof oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, kuwaas oo intooda badan ah muwaadiniin Maraykan ah

bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this