Sign in to follow this  
Deeq A.

Moyarka degmadda Sheekh oo maanta si rasmi ah ugu biiray xisbiga Waddani

Recommended Posts

Deeq A.   

FB_IMG_1764856296682-300x200.jpg

Waxa maanta si rasmi ah xusbiga Waddani ugu soo biiray Moyaeka degmada Sheekh qoraal ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Xisbiga WADDANI ayaa u qornaa sidani hoos ku qoran

Maanta waxaa xarunta xisbiga WADDANI si diirran loogu soo dhaweeyay Maayirka Degmada Sheekh Mudane Ismaaciil Xuseen Cali (Xabeeb), kaasi oo ku biiray Xisbiga muxaafidka ah ee WADDANI, kadib markii uu ka soo diga-rogtey xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE.

Maayir smaaciil Xuseen Cali (Xabeeb) xisbiga WADDANI ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Md. Xirsi Cali X. Xasan, Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Mudane Cabdirashiid Maxamed X. Yuusuf, maareeyaha Dekedaha Somaliland Md. Cali Diiriye Axmed (Maalin-tacab) iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda JSL.

Xisbiga WADDANI waxa uu hoosta ka xarriiqayaa in uu mar walba u furan yahay cid kasta oo doonaysa in ay qayb ka noqoto xisbiga iyo hoggaamin siyaasadeed oo midaysa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhanka kalana Maayirka Degmada Sheekh Mudane Ismaaciil Xuseen Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu masnta si rasmi ah uu ugu biiro xisbiga Waddani waxana uu degmada Sheekh ugu bushaareeyay wax qabad.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this