Sign in to follow this  
Deeq A.

Amnesty International oo Dalbatay in baaritaan lagu sameeyo Dambiyada Dagaal ee ka dhacay Sudan

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo sameeyo baaritaan madax-bannaan oo ku saabsan dambiyo dagaal oo lagu eedeeyay ciidamada paramilitary-ga ah ee Rapid Support Forces (RSF), kuwaas oo weeraro culus ku qaaday xerada dadka barakacayaasha ah ee Zamzam, gobolka Waqooyi Darfur ee dalka Sudan.

Warbixin ay Amnesty soo saartay Arbacadii ayaa lagu xusay in weerarkii ballaarnaa ee lagu qaaday xerada Zamzam intii u dhexeysay 11-13kii Abriil 2025 uu horseeday xasuuq baahsan, kufsi, gubis guryo iyo dhac lagu qaaday dadka rayidka ah, iyadoo RSF ay adeegsatay qaraxyo iyo rasaas aan loo meel-dayin oo lagu riday degaanno si weyn u buuxay.

Xerada Zamzam oo ahayd tan ugu weyn ee ay ku noolyihiin barakacayaasha Waqooyi Darfur ayaa weerarkaasi sababay in ku dhowaad 400,000 qof ay labo maalin gudaheed ka cararaan, sida lagu caddeeyay warbixinta oo ku dhisan wareysiyo lala yeeshay 29 qof oo ay ku jiraan dad goobjoogayaal ah, dad ka badbaaday weerarka iyo qaraabada dadka la dilay, iyadoo sidoo kale la isticmaalay muuqaallo iyo sawirro satellite ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalyahanno ka tirsan RSF ay si bareer ah u toogteen ugu yaraan 47 qof oo rayid ah, kuwaas oo ku jiray guryahooda, qaarna ay ku jireen socdaal ay ku baxsanayeen, halka kuwana ay ku dhuumanayeen masaajid.

Agnes Callamard, xoghayaha guud ee Amnesty International, ayaa weerarka ku tilmaamtay mid argagax leh oo muujinaya sida RSF u dayacday nolosha dadka rayidka ah ee gaajada iyo abaartu hayso.”

Waxay intaas ku dartay in dadka shacabka ah si arxan darro ah loo weeraray, loo dilay, loogana dhacay agab nolol-maalmeedkooda muhiim u ahaa, iyadoo ku baaqday in caddaaladda la horkeeno kuwii ka mas’uulka ahaa falalkaas.

Weerarka RSF ee Zamzam ayaa yimid xilli ciidamadaasi ay go’doominayeen magaalada El-Fasher, caasimadda Waqooyi Darfur, taas oo ay hadda gebi ahaanba maamulaan, iyagoo u sii dhaqaaqaya dhanka bari ee gobolka galbeedkq Kordofan, arrin sii kordhisay tirada dadka gudaha dalka ku barakacay.

Warbixinta Amnesty waa tii ugu dambeysay ee lagu eedeeyo RSF inay geysteen tacaddiyo culus tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay  bishii Abriil 2023, iyada oo sidoo kale ciidamada militariga dowladda lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo badan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this