Deeq A. Posted 20 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo loo gaystay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Cumar Kalaxay, kana mid ahaa ciidanka NISA. Marxuumka ayaa waxaa kooxo hubeysan ay ku dileen agagaarka isbaaradii hore ee Saruurka oo ku taalla degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Caasimada Online u sheegay in askariga ay toogteen rag watay bistoolado oo goobta yimid, kadib si gaadmo ah u dilay marxuumka, kuwaas oo durbadiiba baxsaday. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maydka marxuumka ay goobta kasoo qaadeen ciidamada ammaanka, iyada oo la geeyay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale, ciidanka ayaa sameeyay baaritaanno daba socday dilkaasi, balse ma jirto cid ay gacanta kusoo dhigeen oo lala xiriirinayo toogashada Cumar Kalaxay. Dilkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalmihii u dambeeyay xaaladdda ammaan ee Muqdisho ay ahayd mid deggan, isla markaana laga nastay dhammaan falalkii ammaan darrada ahaa, sida dilalka qorsheysan, weerarada tooska ah, qaraxyada iyo dhaca burcadda hubeysan. Guusha laga gaaray amniga ayaa ku timid, kadib qorshayaal ay la timid dowladda Soomaaliya oo ciidamo gaar ah u xilsaartay amniga degmooyinka gobolka Banaadir. Waxaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah la dhigay daafaha Muqdisho, kuwaas oo sameeyay howlgallo amni xaqiijin ah oo looga hortagayo halista weerarada Al-Shabaab The post Cumar Kalaxay oo lagu dilay Muqdisho – Yaa ka dambeeyay appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites