Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhan Omar oo si adag ugu jawaabtay Trump oo Soomaalida ku tilmaamay khashin

Recommended Posts

Deeq A.   
Ilhan-Ilhaan-scaled.jpg?fit=2560%2C1707&

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareykanka ayaa si adag ugu jawaabtay Madaxweyne Donald Trump oo mar kale iyada weerar ku qaaday, sidoo kalena u gefay dadka Soomaaliyeed.

Trump ayaa isagoo ka hadlayay kulan golaha wasiirrada ah wuxuu sheegay in Soomaalidu yihiin “khashin” iyo in Mareykanku “aadi doono jihada khaldan haddii aan sii wadno inaan dalkeenna ku qaabilno khashin.”

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale beegsanaya muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan Maraykanka, isagoo hadallo arrimo kala duwan uu kaga hadlay oo uu jeediyay bulshada ku tilmaamay inay “waxba ku soo kordhin… anigu ma doonayo inay dalkeenna joogaan.”

Ilhaan oo si adag ugu jawaabtay ayaa iyaduna tiri “Ku mashquuliddeyda waa cabsi gelin. “Waxaana rajeynayaa inuu heli doono caawinaadda uu aadka ugu baahan yahay.”

Hadalladiisu waxay imaanayaan iyadoo la filayo inay billowdaan howlgal lagu sheegay in lagu qaban-doono dadka laga soo saaray amarro masaafurisah oo ku sugan gobolka Minneapolis, halkaas oo ay ku nool yihiin dad badan oo asal ahaan Soomaaliya ka soo jeeda.

Mas’uuliyiinta magaalada Minnesota ayaa cambaareeyay qorshahaas, iyagoo ku doodaya in ay suuragal tahay in si khalad ah loo qabto muwaadinin Maraykan ah oo laga yaabo in ay u muuqdaan kuwo ka yimid dalka Soomaaliya.

Si kastaba, Trump oo caan ku ah hadallo soo noqnoqda iyo jees-jees, ayaa ku celinayay kaftan uu horraantii bishan ka sheegay Ilhaan, isagoo ku andacoonaya inuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud weydiiyay in Ilhan Omar “dib loogu celin karo” dalkii ay asal ahaan ka soo jeeday.

The post Ilhan Omar oo si adag ugu jawaabtay Trump oo Soomaalida ku tilmaamay khashin appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this