Sign in to follow this  
Deeq A.

Maaliyadda Mareykanka oo ku dhowaaqday tallaabo lagu beegsanayo Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa billowday baaritaan ku aaddan eedeymo sheegaya in lacagaha canshuurta ee laga ururiyo gobolka Minnesota si qarsoodi ah loogu leexiyay dhanka kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya.

Xoghayaha Maaliyadda, Scott Bessent ayaa go’aankan ku shaaciyey qoraal uu soo dhigay barta X, maalmo uun kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu ku tilmaamay Minnesota “xarun udub-dhexaad u ah musuq-maasuqa iyo lacag-dhaqidda sharci-darrada ah.”

Hadalka Trump ayaa u muuqday mid jawaab u ah warbixinno ay qoreen warbaahinta garabka midig, balse aan la xaqiijin, kuwaas oo ay sii faafiyeen xildhibaanno Jamhuuri ah, iyagoo ku andacoonaya in Al-Shabaab ay ka faa’iideysatay falal wax is-daba-marin ah oo ka dhacay Minnesota.

Bessent, ayaa yiri: “Iyadoo la fulinayo amarkeyga, Waaxda Maaliyaddu waxay baaritaan ku sameyneysaa eedeymaha la xiriira in maamul-xumada, habacsanaanta iyo dayacaadda xukuumaddii Biden iyo barasaab Tim Walz ay sababtay in lacagihii ay dhibka kusoo shaqeysteen dadka reer Minnesota loo leexiyo dhanka ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab.”

Xafiiska Guddoomiye Walz ayaan weli jawaab degdeg ah ka bixin codsi fal-celin oo loo diray. Hase yeeshee, Walz ayaa marar hore iska fogeeyay eedeymaha noocan ah, isagoo sheegay in Trump uu wado olole “sumcad-dil” ah oo ka dhan ah guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Wareysi Axaddii ka baxay telefishinka NBC, ayaa Walz si gaar ah wax looga weydiiyay eedeymaha Trump iyo xukunnada lagu riday shaqsiyaad badan oo asal ahaan kasoo jeeda Bariga Afrika, kuwaas oo lagu helay lunsashada lacagihii dowladda ee loogu talagalay barnaamijyadii xilligii COVID-19.

Walz wuxuu qiray in Minnesota ay tahay gobol soo jiita dadka, balse cid kasta oo dambi gasha sharciga lala tiigsado.

“Waa inaan hoosta ka xarriiqo, arrintani kuma koobna Soomaalida oo keliya. Minnesota waa gobol gacan furan, waa gobol barwaaqo ah… laakiin deeqsinimadaasi waxay soo jiidataa dambiilayaasha. Dadkaasna kama baxsanayaan sharciga, xabsiga ayayna ku dambeynayaan,” ayuu yiri Walz.

Wuxuuna hadalkiisa raaciyay difaac adag isagoo yiri: “Balse in bulsho dhan la ceebeeyo, laguna shaabadeeyo falal ay gaysteen shaqsiyaad faro ku-tiris ah, waa tallaabo aad u liidata oo muujineysa garaad-yari.”

DBbishii lasoo dhaafay, Trump ayaa iclaamiyay inuu joojinayo barnaamijka ilaalinta kumeel-gaarka ah ee TPS-ta ee ay ku joogaan Soomaalida Minnesota, isagoo ku marmarsiyooday in “burcad Soomaali ah ay argagax ku hayaan” bulshada gobolkaas.

Tallaabadan ayaa soo dadajineysa soo afjaridda barnaamij soo jiray tan iyo 1991-kii, xilligaas oo uu xukunka hayay madaxweyne kale oo Jamhuuri ahaa.

Xukuumaddii Dimoqraadiga ahayd ee Trump ka horreysay, ee uu hoggaaminayay Joe Biden, ayaa waqtiga u kordhisay Soomaalida barnaamijkan ku jirta illaa Maarso 17, 2026.

Sida lagu xusay warbixin kasoo baxday Xafiiska Madaxa-bannaan ee Cilmi-baarista Congress-ka (Congressional Research Service), inta badan Soomaalida Minnesota waa muwaadiniin heysta dhalashada Mareykanka, waxaana guud ahaan dalka oo dhan ku sugan 705 qof oo keliya oo asal ahaan Soomaali ah oo ku jooga sharciyadda TPS-ta.

The post Maaliyadda Mareykanka oo ku dhowaaqday tallaabo lagu beegsanayo Soomaalida appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this