Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku raacay saddex qodob oo xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1764736818819.webp?fit=2048%2C136

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo maanta wada-hadallo cusub ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa isku raacay saddex qodob oo muhiim ah, isla markaana la xiriira xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Muqdisho iyo Riyadh.

Arrintan ayaa lagu gorfeeyay kulan gaar ah oo dhex-maray Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo Danjiraha Boqortooyada Sacuudiga Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Axmed bin Maxamed Al-Muwalled oo ku kulmay magaalada Muqdisho.

Labada dhinac ayaa wada-hadal dheer kadib isku afgartay in la adkeeyo iskaashi dhanka amniga, dhaqaalaha, iyo mashaariicda horumarineed.

“Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo labada masuul ay isku raaceen adkeynta iskaashi ku qotoma amniga, dhaqaalaha, iyo mashaariicda horumarineed” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Saalax Axmed Jaamac.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudi Carabiya garab-istaagga iyo taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya.

Sacuudiga ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageerada siiya Soomaaliya, waxaana dhawaan Hay’adda Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada ee Boqortooyada Sucuudiga (KSrelief) ay dhagax-dhigtay mashruuc ballaaran oo 200 oo guri loogu dhisayo qoysaska ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay deegaannada Jubaland.

Mashruucaas ayaa ujeeddadiisa ugu weyni tahay in hoy loo sameeyo qoysaska guryahoodii ku waayey masiibadii fatahaadaha. Qorshaha mashruuca kuma koobna oo kaliya dhismaha guryaha, balse waxaa barbar socda hirgelinta xarumo caafimaad iyo kuwo waxbarasho, iyo weliba dhismaha kaabayaasha nolosha asaasiga u ah sida biyaha iyo waddooyinka.

Tallaabadan ayaa gacan ka geysaneyso xoojinta xasilloonida bulshada ee deegaankaas, maadaama ay qoysaska dhibaateysan helayaan dib-u-dejin rasmi ah.

FB_IMG_1764736825879.webp?resize=696%2C4 FB_IMG_1764736822782.webp?resize=696%2C4 FB_IMG_1764736821035.webp?resize=696%2C4 FB_IMG_1764736818819.webp?resize=696%2C4

The post Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku raacay saddex qodob oo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this