Deeq A. Posted 10 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qaaday tallaabo boggaadin mudan ayaa garab istaag wayn u muujisay shacabka dalka Suudaan oo ay saameeyeen dagaallada sokeeye ee la dagay dalkaasi, una dhexeeya ciidanka dowladda iyo RSF. Soomaaliya ayaa si gaar ah taageero ugu fidisay qaar kamid ah ardayda Suudaan, iyada oo siisay deeq waxbarasho, taas abaal gud ah, maadaama horay Suudaan ay u caawisay Soomaaliya. Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegtay in ardaydan ay waxbarashadooda sare ku qaadan doonaan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, isla-markaana dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in garab istaag dhab ah u muujiso walaalaha reer Suudaan “Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxa ay mar walba xusuusanyihiin xiriirka walaaltinimo iyo taariikhda dheer ee ay la leeyihiin dalka Suudaan, oo leh abaal aan la illaawi karin” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda. Waxaa kale oo lasii raaciyay “Todobaadyada soo socdo waxaa dalka soo gaari doona arday kale oo reer Suudaan ah iyadoo kuwa maanta yimid ay ahaayeen qeybtii ugu horreysay” Dhinaca kale, safiirka Suudaan ee Soomaaliya oo ka hadlay deeqdan waxbarasho ayaa ka mahadceliyay, wuxuuna sheegay in Soomaaliya iyo Suudaan ay yihiin laba dal oo saaxibo ah, isla markaana leh xiriir qoto dheer oo wax wada qabsi ah “Soomaaliya waxay muujisay garab istaag dhab ah, Ardaydeennu fursad ay mustaqbal ku dhistaan ayey halkan ka heli doonaan.” ayuu yiri Safiirka Suudaan ee Soomaaliya. Si kastaba, dowladda federaalka ayaa tallaabadan lagu amaanay, maadaama Suudaan oo hadda xaalad adag ku jirta ay horay u caawisay Soomaaliya, waxaana jira kumanaan arday ah oo dalkaas wax kusoo bartay, haddana xilal sar ka haya dowladda. The post DF Soomaaliya oo garab istaag wayn u muujisay Suudaan appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites