Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Shariif oo digniin kasoo saaray qorshe ay damacsan tahay DF

Recommended Posts

Deeq A.   
Sheekh-Shariif-scaled.jpeg?fit=2560%2C17

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa mar kale si adag uga hadlay burburinta ay weli dowladda ka waddo dhulalka danta guud ee magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Himilo Qaran ayaa waxaa lagu sheegay in xisbiga uu ogaaday in mar kale dowladdu qorsheyneyso in ay sameyso barakicin horleh, taas oo uu ka digay, maadaaama ay saameyneyso shacab danyar ah oo hadda degan dhulkaas.

“Iyadoo ay Muqdisho wali ka sii socdaan tacadiyada joogtada ah iyo beegsiga bulshada danyarta ah kuwaas oo si loo barakiciyo laga adeejiyay ciidanka Qaranka, ayaa Xisbiga Qaran wuxuu ka war-helay in shaqsiyaad ogolaansho ka haysta Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud ay ku howlanyihiin dhulboob hor leh oo ka baxsan goobihii shacabka”.

Sidoo kale, wuxuu xisbigu intaasi ku daray in barakicintan ay saameyn xooggan ku yeelatay qaar kamid ah qoysaska ciidanka Xoogga dalka, maadaama laga raray guryahooda.

Waxaa kale oo bayaanka lagu sheegay in xisbiga uu cambaareynayo tacaddiyo uu sheegay in lagu hayo shacabka, kuwaas oo ay gaysanayaan qaar kamid ah ciidamada

Xisbiga Sheekh Shariif ayaa baaq u diray culimada , waxgaradka iyo qaybaha bulshada Soomaaliyeed, isaga oo ka dalbaday inay ka dhiidhiyaan dhibaatooyinka taagan

Indhowaanahan dowladda dhexe ayaa wadday howlo burburin ah, waxaana lagu kala baxay xaafado dhowr ah oo ku yaalla caasimada, iyada oo arrintan ay dhalisay xiisad xooggan.

591762676_1413187820166322_2608223407418

The post Xisbiga Shariif oo digniin kasoo saaray qorshe ay damacsan tahay DF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this