Sign in to follow this  
Deeq A.

JARMALKA oo si rasmi ah u aqoonsaday baasaboorka Soomaaliga

Recommended Posts

Deeq A.   
Passport.jpeg?fit=1024%2C538&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Jarmalka ayaa maanta si buuxda u aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya, sida ay shaacisay Hay’adds Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in tallaabadaan ay tahay mid muhiim ah oo xoojineysa xiriirka diblomaasiyadeed iyo fududeynta socdaalka labada dal.

Hay’adda Socdaalka ayaa sidoo kale sheegtay in ay ku faraxsan tahay in aqoonsiga Baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya ay ku dhawaaqdo dowladda Jarmalka, maadaama lagu daabacay wargeyska rasmiga ah ee dowladda dalkaasi.

“Tallaabadan ayaa caddeyn u ah horumarka joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ee dhanka maniga dukumintiyada safarka, casriyeynta, adeegyada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed

Baasaboorka Soomaaliya ayaa si tartiib tartiib ah usoo ceshanaya maqaamkiisii caalamiga ahaa, taasoo astaan u ah dadaallada diblomaasiyadeed ee dalka ee sii kordhaya iyo adkaysiga uu muujiyay kadib tobannaan sano oo uu go’doon kaga jiray dunida inteeda kale sababo la xiriira ammaan-darro iyo masiibooyin dabiici ah.

Tan iyo markii uu qarxay dagaalkii sokeeye sannadkii 1991-kii, Baasaboorka Soomaaliga waxa uu soo maray isbeddello is-daba-joog ah, oo ay ku jirto soo bandhigidda nooc casri ah oo leh muddo ogolaansho oo gaaraysa shan sano.

Isbeddelladan ayaa ka tarjumaya dadaallada ballaaran ee dalka loogu jiro dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah iyo xoojinta maqaamkiisa caalamiga ah.

Sannadkii 2016-kii, Baasaboorka Soomaaliya waxa uu ku jiray kaalinta 101-aad ee qiimeynta Tilmaamaha Baasaboorrada ee Henley (Henley Passport Index), oo ah shirkad la-talin iyo cilmi-baaris oo caan ku ah qiimeynta awoodda socdaalka caalamiga ah.

Hadda, waxa uu kor u kacay siddeed darajo isagoo soo gaaray kaalinta 95-aad, sida lagu sheegay qiimeyntii ugu dambeysay ee lasoo saaray bishii Luulyo 2025. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa hadda u safri kara in ka badan 30 dal iyaga oo aan u baahnayn fiiso hore loo sii dalbaday.

Qiimeyntan, oo ku saleysan xog laga helay Hay’adda Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA) iyo cilmi-baaris socotay labaatan sano, ayaa lagu qiimeeyaa 199 baasaboor iyadoo la eegayo 227 dal oo loo safri karo, waxaana lagu kala saaraa iyadoo lagu saleynayo tirada waddamada ay dadka wata baasaboorkaas ku booqan karaan fiiso la’aan.

 

592213220_1147588047543605_6605864124632

The post JARMALKA oo si rasmi ah u aqoonsaday baasaboorka Soomaaliga appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this