Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga oo soo bandhigay hindise cusub oo lagu joojiyo dagaalka ka socda Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, iyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mohammed bin Salman, ayaa soo bandhigay hindise cusub oo lagu doonayo in lagu joojiyo dagaalka ka socda Suudaan, kaas oo tan iyo bishii Abril 2023 sababay khasaare bini’aadantinimo oo baaxad leh.

Hindisahan ayaa ku saleysan xabbad-joojin bini’aadantinimo oo 3 bilood socota, taas oo la doonayo in looga sii gudbo xabbad-joojin rasmi ah, iyo geeddi-socod siyaasadeed oo ay ka qayb qaataan xoogagga rayidka ah, si ugu dambeyntii loo dhiso dowlad rayid ah.

Dadaalkan ayaa ka duwan hindisayaashii hore ee colaada Suudaan oo wajahay diidmo ka imanaysay dhinacyada kala duwan, balse hindisahan cusub waxaa soo dhoweeyay xoogagga Suudaan ee awoodda leh, oo ay ku jiraan jabhado Islaamiyiin ah iyo ciidamada dowladda, kuwaas oo muujiyeen diyaar garow ay ku taageerayaan xabbad-joojinta iyo wada shaqaynta Maraykanka iyo Sacuudiga.

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa tilmaamay in faragelinta Trump iyo taageerada bin Salmaan ay siin karto dadaallada nabadeynta Suudaan xoog cusub, iyadoo laga filayo inay hoos u dhigto colaadda iyo saameynta ay ku leedahay gobolka Bariga Dhexe.

Trump ayaa sheegay in ajandaha dedaaladiisa nabadda Suudaan aanay ahayn faragelin siyaasadeed, balse uu u kuur galay xaaladda Suudaan ka dib codsi uu ka helay Mohammed bin Salman intii lagu gudo-jiray y booqashadiisii Washington ee Dhaxal-sugaha Sacuudiga, kaas oo Trump ku boorriyay inuu door muuqda ka qaato dadaallada nabadda iyo soo afjaridda colaadda Suudaan.

Tallaabadan waxaa si degdeg ah u soo dhoweeyay madaxweynaha golaha sare ee Suudaan, Jeneraal Cabdifataax al-Burhan, iyo madaxda ciidamada gurmadka degdegga ah. Sidoo kale jabhado badan iyo kooxaha Islaamiga ah ee ka jira dalka Suudaan oo hore ugu dhowaa nidaamkii Cumar al-Bashiir ayaa muujiyay taageero aan caadi ahayn oo loo arko horumar muhiim ah.

Hindisahan wuxuu qayb ka yahay dadaal ballaadhan oo ay hoggaaminayaan Maraykanka, Sacuudiga, Masar iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo soo bandhigay khariidad nabadeed oo ka kooban: Xabbad-joojin bini’aadantinimo oo 3 bilood ah, xabbad-joojin rasmi ah oo 9 bilood ah, iyo geeddi-socod siyaasadeed oo ay hoggaaminayaan ururada rayidka ah si loo dhiso dowlad aanay ku jirin ciidamada qalabka sida ama RSF.

Inkasta oo RSF ay ansixiyeen hindisaha, mowqifka ciidamada dowladda ayaa weli ah mid aan caddeyn, maadaama Al-Burhan uu hore u diiday wadahadallo lala galo RSF.

Ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe, Massad Boolos, ayaa sheegay in Washington iyo la-hawlgalayaasheedu ay ka shaqeynayaan fududeynta xabbad-joojinta iyo joojinta taageerada milatari ee dibadda laga siiyo dhinacyada dagaalamaya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this