Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo ku dhawaaqay inuu si degdeg ah u baabi’inayo sharciga Soomaalida sharciga aan haysan ee Minnesota ka bad-baadinaya in la tarxiilo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii sheegay inuu si degdeg ah u baabi’inayo sharciga Temporary Protected Status (TPS) ee Soomaalida sharciga aan haysan ee Minnesota ka bad-baadinaya in la tarxiilo. “Kooxo burcad Soomaali ah ayaa argagax ku haya dadka Gobolkaas weyn, waxaana la la’yahay balaayiin doollar,” ayuu yidhi Trump oo qoraal soo dhigay barta Truth Social xilli dambe oo xalay ah, isagoon bixin faahfaahin dheeraad ah ama caddeymo.

“Anigoo ah Madaxweynaha Mareykanka, waxaan halkan ku joojinayaa, laga billaabo hadda, badbaadada ay Soomaalida Minnesota ku haystaan Temporary Protected Status (TPS Program),” ayuu yidhi.

Trump ayaa ku tilmaamay Minnesota “xarun laga sameeyo dhaq-dhaqaaqyo lacago lagu dhaqo oo been abuur ah.”

Tallabada Trump ayaa u muuqatay jawaab ku socota warbixino aan la xaqiijin oo ay warbaahinta garabka midig qortay, kuwaas oo ay sii faafiyeen sharci-dejiyayaal Jamhuuri ah, taasoo sheegaysay in kooxda AS ee Soomaaliya ay ka faa’iideysteen wax-is-daba-marin lacag oo ka dhacday Minnesota. Barnaamijka TPS ee Soomaalida waxaa daahfuray Madaxweyne George H.W. Bush bishii Sebteembar 1991.

Maamulka madaxweynihii Dimoqraadiga ahaa ee ka horreeyay Trump, Joe Biden, ayaa kordhiyay ogolaanshaha Soomaalida ilaa 17-ka Maarso, 2026. Inta badan Soomaalida Minnesota waa muwaadiniin Mareykan ah, waxaana jira oo kaliya 705 qof oo ku dhashay Soomaaliya guud ahaan ooo haysta maqaamka TPS.

Marka la barbar dhigo, in ka badan 330,000 oo u dhashay Haiti ayaa haysta TPS, iyo sidoo kale in ka badan 170,000 oo qof oo ka yimid El Salvador.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this