Sign in to follow this  
Deeq A.

“Trump waa beenaale jaahil ah..” Ilhaan Cumar

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo shir Jaraa’iid ku qabtay gobolka Minnesota ayaa si weyn u weerartay madaxweyne Trump kaas oo ay ku eedaysay in uu ku tuntay sharcigii dalka Maraykanka.

Ilhaan Cumar waxa ay ka soo hor jeesatay qorshaha Trump ku doonayo in uu ku tarxiilo Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota gaar ahaanna kuwa aan sharciga haysan kuwaas oo dhowaan uu ku dhawaaqay in laga joojiyey barmaamijkii magan gelyada ee ay halkaas ku joogeen.

Xildhibaannadu waxay ku dooday in sharciga ilaalinta Soomaalida Minnesota oo uu dhammaanayo bisha March ee sannadka soo socda taa darteena aanu Trump xaq u lahayn in uu isagu meesha ka saaro.

Ilhaan Cumar waxay madaxweynaha Maraykanka ku sheegtay beenaale aan aqoon u lahayn xeerarka u yaalla dalka Maraykanka waxayna difaacday bulshada ah Soomaalida ah oo ay xustay in aanay ahayn kuwo lacago u dira ah kooxaha argagaxisada ah.

Waxa ay ku dooday in arrimaha Trump uu wadaa aanay ahayn kuwo saamaynaya dadka Minnesota oo keli ah balse ay yihiin kuwo sidoo kale saamaynaya Soomaalida ku dhaqan gobollada kale ee dalka Maraykanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this