Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii dalka Guinea Bissau oo la xidhay iyo millatarigii tallada la wareegay

Recommended Posts

Deeq A.   

Mileteriga dalka Guinea Bissau ayaa ku dhawaaqay in ay la wareegeen talada dalkaas iyaga oo Xabsiga u taxaabay madaxweyne Umaro Sissoco Embaló.

Xabbad xooggan ayaa laga maqlay aqalka madaxtooyada ka hor intii aanay ciidanku si rasmi ah u shaacin in ay afgenbi ku keceen oo ay la wareegeen guud ahaanba talada dalkan ku yaalla qaaradda Afrika.

Madaxweynaha la afgenbiyey ee Umaro Sissoco Embaló waxa uu toddobaadkan qabsaday doorasho ay mucaaridku ka maqnaayeen, isaga oo loogu dhawaaqay in uu ku guulaystay 65% codadkii ay dadku dhiibteen.

Dalkan ayaa noqonaya kii 7aad ee afgenbi ka dhaco qaaradda Afrika muddo 5 sano gudohood ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this