Deeq A. Posted Wednesday at 03:54 PM Ciidamo militari ah ayaa xabsiga u taxaabay madaxweynaha dalka Guinea-Bissau Umaro Sissoco Embaló, iyadoo la soo warinayo in uu dalkaas ka dhacay afgambi. Goob joogayaal ku sugan caasimadda dalkaas ee Bissau ayaa sheegay in galinkii dambe ee maanta ay ciidamo weerareen xarunta madaxtooyada, ayna maqleen dhawaqa rasaas. Arrintan ayaa ku soo beegantay saddex maalmood kaddib markii doorasho madaxtinimo oo dalkaas ka dhacday ay qaadaceen mucaaradka, taas oo natiijadeeda lagu dhawaaqi lahaa khamiista. Guinea-Bissau waxa ku nool ilaa 2.1 milyan oo qof, waana mid ka mid ah galbeedka Afrika oo ka tirsanaan jiray boqortooyada Boortaqiiska qarniyo ka hor. PUNTLAND POST The post Afgambi ka dhacay dalka Guinea-Bissau appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites